Munaasabad lagu xusayo xasuuqii 1960 kii ayaa maanta ka dhacay magaalada Ayshaca.

.

Waxaa maanta markii ugu horaysay taarrikhda si balaadhan loogu xusay magaalada Ayshaca ee gobolka Sitti, xasuuqii shacabka soomalida lagula kacay sannadkii 1960kii.

Munaasabadan xuska waxaa ka soo qaybgalay, masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDS oo uu horkacayo madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar, hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka iyo masuuliyiinka socday Soomaaliya iyo  dalka Jabuuti

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in ay nusqaan tahay in la qariyo taariikhda iyo sooyaalka ay umadi soomartay, taasi oo aan ahayn in la kala aar-goosto, balse ay tahay in aan la iloobin.

Intii ay munaasabadu socotay waxaa la soo kormeeray goobtii lagu aasay shacabkii la xasuuqay iyado oo dhinaca kale lagu sameeyay dhirbeeris goobtaasi uu ka dhacay xasuuqu.

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen, Personen, die stehen, Personen gehen spazieren und im Freien

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen, Personen, die stehen und Menschenmasse

Bild könnte enthalten: 1 Person, steht