Xuskii Xasuuqii Magaalada Ayshaca iyo Dhaliilaha ka jiray!

Waa dhawaad 60 sanno waxaa maanta ay suurtagashay in la soo hadaal qaado wixii reer Ayshaca ku dhacay habeenkii kala wareega Sabtida iyo Axadda ee bishii August sannadkii 1960kii.
Duruufa jiray darteed may dhicin in la soo xasuusto qayb ka mid soo yaalka raad gurka dhacdooyinkii nagu reebay nabaraadda aan bogsan doonayn ee dhulka Soomaali galbeed.
Hortaa miyaa la siyaasadeeyey xuska mise itaal iyo aqoon ragaaday ayaa jirtay?
Dhacdadan Magaalada Ayshaca waxay dhacday bishii August ,taarrikhda iyo bishaa maanta la xusinaa waa bisha September lamana soo sheegin ani ogaantay sabata hal biil dib u dhigtay xuska iyo waxaa kalifay!!!!
Sidda aduunka lagu bartay xusaska noocan oo kale ah waxay leeyihiin qaab iyo hab maamuuseed loo xuso gaal iyo muslimba,Siddan wada ogsoonahay dadka Ayshaca lagu moora-duugey waxay ahaanyeen dhamaantood shacab Muslimiin ah oo ay xaquuaday dawlad aan Islam ahayn oo Muslimiinta necbayd.
-Waana sababta aan u saluugey qaabka loo soo agaasimay xuska oo ay ka muuqan ama ay ka maqnayd xuska dadka Muslimiinta oo ahayd duco iyo in Ilaahay loo baryo in u naxariisto dad goobta lagu gumaaday.
-Waxaa madasha xuska ka maqnayd in la xuso ama la akhriyo wixii la heli karay magacdda qaar kamid ah dadkii la moora-duugey.
-waxaa kaloo aan goobta lagu soo qaadin in la keeno dad wixii ka badbaaday habeenka ee wali nool si looga waraysto ama laga hadliyo sidday wax u dhaceen intay ka xusuusan karaan.
-Waxaa si ula kac ah looga indha qabsaday in la baadi koobo oo lana soo heli karay qaar ka mid ah Askarti xasuuqa ka qayb qaatay oo maanta nool kana war bixin karay wixii dhacay iyo sidday wax u dheceen iyo ciddi masuul ahayd hadday jiraan qaar wali nool oo suaalo la waydin karay.
-Waxay ahayd arin muhiim ah oo caalaamka lagu wada arkay xusaskan oo kale in lagu marti qaadi karay tafiirti ka hadhay dadkii la xasuuqay si uga hadli kareen xanuunka iyo murugada ay leedahay iyagoo dul jooga godkii lagu guray aabaayaashoo iyo hooyooyinkood ama awoowyaashood iyo wixii la mid ah ee Ayshaca lagu laayey.
Intaa iyo wax yaabo kalo badan ayaa ka muuqan xuska ummaddi Ayshaca,sidda daraadeed dad badan ayaa xuska u arka mid laga leeyahay arimo siyaasadeed oo shacabka reer Sitti lagu suuxin maaxaa-yeelay waxaa baryahaan dambe soo xoogeystay xiinka iyo guuxa dhalinta reer Sitti oo ahaad hormoodkii halgankii lagu tuuray Cabdi Iley.
Shacabka reer Sitti waxay qaati bilaa ka joogaan xaradda aan dhamaadka la hayn ee galbeedka gobolka Sitti iyo sidda dawlada Soomaali-State uga dhuumatay dhiigta maalin kaste sidda xaqdaradda ah ugu daadan Dhuunyar iyo daymeed,Dhiiga waxaa daadin waa is maamul u dhigma kan Soomaali-State ee Musfate Cagjar hoggaanka u hayo ee Canfarta oo si badheedh ah ugu soo duulay dhul Soomaaliyeed.

Isku soo wada duubo xuska Ayshaca waxaa laga dareemay in ay ka muuqatay iska seexin loola jeeday kacdoon labaad oo Sitti ka dhex guuxi hadaan Galbeedka Sitti xal Siyaasadeed loo helina maamulka Mustafe Cagjar iyo Aadan Faarax wuxuu kusii sinqayaa jidkii Cabdi Iley wuxuuna si tar-tartiib usii lumin kalsooni iyo taageero baaxad wayn oo ay wali reer Sitti u hayaan dawlada Soomaali-State iyo hogganka ugu sareeya.