Jabuuti: Dawladda Kenya laguma aamini karo amaanka gobolka Geeska .

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf

Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yidhi uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xidhiidha musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

„Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena“, ayuu yidhi wasiirka.