Sawaariiqdii lagu weeraray keydka Shidaalka dalka Sacuudiga oo lasoo bandhigay (SAWIRRO)

Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxay soo bandhigtay Gentaalo iyo Sawaariiq ay sheegtay ay yihiin kuwii lagu weeraray xarumaha ugu weyn ee keydka shidaalka dalkaasi.

Wasaaradda Difaaca ayaa Arbacadda maanta ah ku dhawaaqday in duulaankaasi ay ka dambeysay dowladda Iiraan oo horey gaashaanka ugu daruurtay diideyna eedeyntaasi.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga ee sacuudiga ayaa daboolka ka qaadey in gentaalada laga soo gannay jihada waqooyi ee Yemen, wallow uu xusay in ay wali baadhayaan.

Xukuumadda Riyadh ayaa carabka ku adkeysay in ay talaabo ka qaadi doonto Iiraan, wallow aysan daaha ka rogin talaabadda uu qaadi karo dalka boqortooyadda Sacuudigu.

Sidda laga soo xigtay afhayeenka, 13 diyaarad oo nooca aan duuliyaha lahayn ah ee loo yaqaan Dronka iyo 8 Gentaal ayaa loo adeegsaday duulaankaas oo khasaare lixaadleh u geystay wax soo saarkii shiidaalka oo caalaamka laga dareemay kor u kac ku yimid qiimaha suuqyaada shiidaalka aduunka.

Hoos ka daawo sawiradda.