Maamulka Soomaaliland oo heshiiskii Imaaraatka ku badali rabta dalka Shiinaha.

Kadib Kulankii Madaxweynaha maamulka Soomaaliland korayl Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle bil ka hor dhacay waxay ka dhigneyd mid abuuray Daaqado iyo ilbaabo xidhnaa oo furmay.

Muuse Biixi ayaa seddex maalmood ku sugnaa dalka Jabuuti,waxaana lasoo tusay Goobo dhowr ah oo Hormar ka sameysay Dawlada Jabuuti,waana uu ku qancay waxa uu soo arkay.

Ilo madax banaan ayaa War baahinta u sheegay in Hadalkii dhawaan Heshiiskii UAE ee Somaliland in meesha ka baxo uu sababteeda lahaa Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa la sheegay in Jabuuti ay soo jeedisey in Soomaaliland u wareegto ayna si dhaw usoo dhaweysato Shiinaha si Dalka uu maal gashi ballaadhan ugu sameeyo.

Tani waxay soo dedajisey in Imaaraat-ka lagala noqdo Walaayadii hore loogu dhiibtay oo Xukuumada Bijiin ay hadda saameyn weyn ku yeelaneyso Geeska Africa.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa Biixi ka dalbaday inuu wada hadal siiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameeyo xasarada siyaasadeed ee ka dhex oogan mudada 30-ka Sanno.

Warar kale waxay sheegayaan in Jabuuti ay ka war heshay Jabhado Itoobiya abaabuleyso oo Soomaaliya iyo Jabuuti inay Amni daro ka abuuraan sidaa awgeedna ay gacmo wadajir ah ubaahan tahay ka hortegida qorshahaasi socda.

Hadda lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Xukuumada Hargeysa inay Shiinaha si dhaw ula macaamilaan,hadiiba Imaaraat-kii ay wada shaqeynta dhaw ahaayeen kala boodeen.