Dawlada Fedaraalka oo tallaabo ka xanaaqisay Kenya qaatay iyo Nairobi oo shirarkii laga weeciyay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xassan ayaa Magalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya si rasmi ah u furay aqoon-iswaydaarsi ku saabsan Habka ay soomaaliya u yeelan la ahayd xog-kaydiye Ganacsi “Trade Information Portal”. Aqoon-iswaydaarsigan ayaa waxa ka qayb galey Maareeyahah Dekadda Muqdisho, masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsshadaha oo hormuud ka ahayd abaabulka iyo isku dubbaridkaba.

Aqoon-iswaydaarsigan oo socon doona laba cisho ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaha iyo IFC oo ka mid ah Bangiga Adduunka (World Bank Group), waxaana lagu qabtay xarunta dalka Ethiopia ee magaalada  Addis Ababa.

Wasiirka oo khudbad dheer ka jeediyey kulankan ayaa ku dheeraday muhiimadda aqoon-isweydaarsigani u leeyahay dalka iyo kaalinta uu ka qaadan karo dhiirigalinta maalgashiga, daahfurnaanta ganacsiga iyo xog-iswaardaarsiga hay’adaha dawladda iyo sidoo kale rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale xusy in xog-keydiyahan si fudud ay uga daalacan karaan daneeyayaasha Soomaaliya xogaha iyo shuruucda ganacsi ee Soomaaliya si ay ugu fududaato in ay dalka ay ganacsi ka sameystaan.

Aqoon-iswaydarsigan oo ay bixinayeen khabiirro ka socda Bangiga Adduunka aahaa mid lagu faahfaahiyey habaka uu u shaqeeyo xog kaydiyahan iyo faaidada laga dhexli karo marka la sameeyo ayaa si habsami ah u socda.

Shirkaan ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomalaiya ay ku qabatay Magalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa u muuqda in shirarkii dowladda Federaalka ee horay loogu qaban jiray Nairobi loo weeciyay dhinaca Addis-Ababa,waxaana tallaabadaan loo aaneynayaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya & Kenya.