Dhacdo Naxdin leh oo ka dhacday dalka Jabuuti,(Sawirro)

Sidda ay sheegeen qoyska marxuunka laga dilay marxuunka dhintay oo lagu magacaabi jiray;Gadiidshe Cumar Ladiye waxay ciidamadda Booliska jabuuti ka kaxaysteen aqalkooga oo ku yaal xaafadda loo yaqaan Cite-Nasiib ee ka mid ah xaafadwaynta Balbala maalinti bishan Sebtenmber ahayd 11 toban qiyaasti markay saacadda geeska Afrika ahayd 10h iyo 40 daqiiqo ee subaxnimo.
Lama soo sheegin sababta lagu soo eedeeyey ee wiilkan yar ee loo kaxaystay,ka dibna qoyska wiilkan ee la dilay waxay baadi goob u galeen in ay soo helaan goobta lagu xidhay wiilkoogga iyo sababta loo haysto intaba dhamaan waxay ka raadiyeen xaruumaha ay ciidaama booliska jabuuti ku leeyihiin caasimadda Jabuuti dhamaan xarumiihi ay baadi koobka ku soo mareen way ka soo waayeen marxuun Gadiidshe.
Ugu dambaynti waxay ka heleen isla galabti oo ahayd maalinta la qaaday marxuun Gadiidshee Qoyskii wiilkan yar waxay ka soo heleen xarunta dhexe ee ciidanka booliska dalka jabuuti ee nagaadh wiilkoogi oo meyd ah loona qaaday dhakhtarka weyn ee Peltier.
Dalka Jabuuti wax ku cusub maaha in qof jeelka la dhigey ka dibna la arko isagoo dhinta ee horay u dhici jireen laakiin maanta waxaa ku cusub indhaha iyo dhegaha ummadda reer jabuuti waxaa ay tahay sidda loo dilay wiilkan yar oo aad ku arki doonta sawiro iyo muuqaalo laga soo qaaday meydka marxuun Gadiidshe Cumar Ladiye.
Sidda Muuqata Marxuun Gadiidshee meydkiisa waa la qalay wuxuuna u muuqda in xubnaha jidhkiisa qaar laga baxay waa dhacdo naxdin leh in ay maanta dalka Jabuuti ka dhacdo arin nuucan oo kale ah oo la mdi wixii laga soo sheegi jiray dalka Liibiya oo kale.
Waxaan tacsi tiiraanyu leh u dirayna qoyskii ay ku dhacday dhacdaan xanuunka badan waxaanaan codsanayna in sidda ugu dhaqsaha badan baadhitaan loogu sameeyo meydka marxuun Gadiidshe lana soo caddeeyo sababta loo dilay iyo cidda bixisay amarka lagu dilay wiilkan yar.

 

Bild könnte enthalten: Personen, die sitzen

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen und Personen, die sitzen

 

Bild könnte enthalten: Himmel und im Freien