Masaajidka Ugu Wayn Galbeedka Afrika Oo Xadhiga Laga Jaray Tukashada Salaldii Jimcaha.(Sawirro)

Masjidka ugu weyn galbeedka qaaradda Afrika oo laga hirgaliyay caasimadda dalka Senegal ee Dakar, kaasoo dhismihiisu socday ku dhawaad toban sanno ayaa maanta markii ugu horaysay lagu tukaday salaadii jimcaha.

Kharashka ku baxay dhismaha masaajidka ayaa la sheegay inuu kor u dhaafay 32 Malyan oo doollaar, iyadoo ay dhiseen dadka taabacsan dariiqada Suufiyada ee Mouride ee dalka Senegal, waxaana markiiba ku tukan kara dad gaadhaya qaadaya 30,000 qof.

Madaxweynaha Senegal, Macky Sall ayaa lagu wadaa inuu furo munaasabadda lagu daahfurayo masaajidka oo loogu magac daray (Massaalikul Jinaan) oo micnaheedu yahay (Waddooyinka Janada).

Masjidkan ayaa leh shan Minaaradood oo lagu dahaaray dahab, waxaana naqshadeeyay Injineer kasoo jeedo dalka Morroco.