Sawirro: Farmaajo oo xadhiga ka jaray dhisme ay iibsatay safaarada Soomaalia ee magaalada Washington.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabnimadii jimcaha, 4:00 pm xilliga saacadda bari ee Mareykanka xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka.

Dhismahan oo ku yaalla Address-ka, 1609 22nd St NW, Washington, DC 20008, ayaa waxaa dhowaan iibsaday Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaa safaaradda Columbia ee Mareykanka.

Waxaa furitaanka dhismaha, oo ku yaalla bartamaha Washington DC, xadhiga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka yimid magaalada New York oo uu uga qeyb-galay shirkii golaha guud ee QM.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay Soomaaliya inay safaaradda ugu dambeyn degan tahay guri ay leedahay dowladda Soomaaliya, kadib tobaneeyo sanno oo ay deganeyd dhisme kiro ah.

Waa markii ugu horreysay ee safaaradda Soomaaliya ee Washington ay degto dhisme  ay Soomaaliya leedahay. Waxaa horey u jiray guriga safiirka.