Stratijiyada dawlada canfarta u diyaarsan waa siddan Hoos ku qoran

 

Kadib heeshiiskii xaaranta ahaa ee loogu wareejiyeey magaalooyinka cadaytu wadna ciise (candhuufa) iyo Garbaciise sannadkii 2014 bishi September, waxaa jiray heshiis ka baxsan kan 12k qodob lagu sheegay ee waraaqaha ku qoran ka sokaw qurshe kale dawlada canfarta siinayay dhul dhan min 50 km kaas oo ka bilaabanayaa wada laamayda ah ila soo gaadhayo aaga bari ee 3da magaalo ila laga gaadhaayo 50 km oo bariga kga began magaalooyinkaas aan kur ku soo sheegay.
Arinkaa maanka ayaga oo ku haysta dawlada maamulka canfartu waxay ay diyarsadeen in ay gadoomiyaan 3da magaalo
1. si ay Garbaciise u gadoomiyaan waxaa u diyaarsan 2 jiho ka weeraraan magaalada Garba ciise, waa jihada 1aad waxay ciidankooda hunta ah u diyaariyeen aaga bari ee tulada Madana ku beegan in ay huwantootu ka bilaabaan dagaalka cagtana mariyaan tuuladaa Madanna iyo nawaaxigeeda dadka xoola dhaqata ah ee soomaaliyeed si ay magaalaasi gurmad u helin.
2. Agaa ceelka qalaclee ee woqooyiga magaalada garba ciise, dagaalkooda ka bilaabaan si ay gurmadaka ka imanaya uga hortegaan.
3 Agaa Danlahelay ayaga oo u diyriyeey ciidanaka magaalada Gawaani fadhigiisuyahay horeyna u qabsaday dhul daaqsimeedkii xoola dhaqata Soomaaliyeed lahaayeen in ay horey u soo ruqaansadan wadada isku xidha Danlahelay iyo gobolka Sitti aaga bari jaraan, iskuna sii fidiyaan dhanka bari ee magaalada wadna ciise barigeeda.
4. Aga ay hada dagaalka lagu hoobtay ay kaga jiraan ee cadayle iyo ceelka Alaale ee ku began jihada woqooyi bari magaalada Cataytu, ayaga oo dhul baaxad weyn ila hada ay soo qabsadeen, goobahaas oo kakala tirsan degmada Afdem iyo Gablalu xita kaabiga ku haysa tuulada Badhiweyn ee degmada Erer.
Markaas dadka Soomaaliyyeed gaar ahaan shacabka gobolka Sitti ku nool waa in ay si dhab ah iskugu tashadaan lana difaaco dadka inta sii baaqiga ah maadaama ay 10 kii bilood ee la soo dhaafay ciidamada hunta canfartu xasuuq aan loo kala aabo yeelin ka geysanayeen.

Fiiro gaar ah sidda ka muuqata mapkan oo laga soo miin guurshay Google-ka xadka ay Canfartu ku hamiin waa goobta loo yaqaan biyaha caade ee duuleedka magaalada casbuli iyo Caydoora taas oo micneheegu yahay in dhulka maanta lagu dagaalami ay ahaynba rabintaanka Canfartu ee u yahay meel aan ka fogeyn magaalada Diri-dhab.