Warar Qubane ah oo ku saabsan Galbeedka Gobalka Sitti

Militariga Itoobiya ayaa magaalada Cadayti maanta ku xidhay gaadhi ambulance ah oo ay leedahay xarunta caafimaadka magaalada Cundhuufo. Gaadhigan oo ka mid ahaa kolanyo ambalaasyo ah oo dhawaan loo diray Allaale si ay dhaawaca uga soo daad-gureeyaan ayaa la xidhay xilli uu ka yimid Allaale kadib markii uu jidka laamiga kaga soo dhacay meel Cadayti u dhow si uu bukaan kale oo Biki loo waday uga soo qaado magaalada Cadayti.
Xaaladda Dhuunyar iyo Dayn ayaa guud ahaan xasilloon kadib dagaalkii dhimashada badan sababay ee Allaale ka dhacay walow aanan wali nabad la haynin. Reer-guuraa iskood isku abaabulay ayaa u diyaar ah inay iska difaacaan weerar kastoo Canfar kaga yimaadda inkastoo aysan jirin wax taageero ah oo ay heleen dadka xoolo-dhaqatada ahi. Xilli walba waxa la filani karaa dagaal maaddaama uu maamulka Odacaligu in badan qorshaynayay guluf colaadeed oo uu dhulkaas kula wareego.
Ma jiro wax gargaar bani-aadanimo ah oo wali gaadhay deegaanka Allaale ee uu dagaalku ka dhacay. Maamulka deegaanka Soomaalida ayaan wali laga haynin wax hadal ah oo ku saabsan dagaalka Allaale xilli ay sii badanayso cadhada bulshada reer Sitti. Maamulka Jigjiga ayaa u muuqda mid gabi ahaanba dhegaha ka furaysanaya indhahana ka laabanaya shacabka la gumaadayo.
Bannaanbaxyo nabadeed oo lagu dalbanayo in la joojiyo weerarka lagu hayo Dhuunyar iyo Dayn ayaa saaka ka dhacay meelo badan oo gobolka Sitti ka tirsan. Bannaanbaxayaasha oo u badnaa dhalinyaro dhiirran ayaa dalbanayay in la sii daayo dhammaan dadka afduubka ugu xidhan maamulka Canfarta lana joojiyo duullaanka qaawan ee Odacaliga.
Roobab lagu qabowsaday ayaa ka da’ay meelo badan oo ka tirsan gobolka Sitti xilli lagu jiro Dayr. Gobolka Sitti ayaa roobasha u badan hela xilliyada Diraacda iyo Karanta iyadoo aan inta badan roobab waawayn la filin Dayrta. Roobashan Ilaahay lisay xilli Karantii dhammaatay Jiilaalkuna soo dhowyahay ayaa wax badan ka beddeli doona nolosha xoolo-dhaqatada oo mar walba raxmadda Ilaahay ku tiirsan.
Itoobiya ayaa wali la daalaa-dhacaysa hubanti la’aan mustaqbal oo baahsan kadib isbeddelkii dhacay sannadkii tegay. Oromada iyo Axmaarada oo ah labada qowmiyadood ee Itoobiya ugu tiro badan ayaa maalin walba xidhiidhkoogu wajahayaa hardan siyaasadeed oo cusub. Ra’iisalwasaare Abiy Ahmed ayaa dabada ka riixaya hindise ah in la badiyo luqadaha rasmiga ah ee shaqo ee Itoobiya isaga oo damacsan in afka Oromada loo aqoonsado mid ka mid ah afafka shaqo ee dawladda dhexe ee Itoobiya. Ilo xog-ogaal ah oo ka ag dhow xafiiska ra’iisalwasaaraha ayaa Xeer Web u sheegay in Af-Soomaaliga qudhiisu ka mid yahay afafka miiska saaran. Madaxwaynaha ismaamulka Soomaalida Mustafe Cumar ayaa laftigiisu sheegay hadal guud-mar ah oo tibaaxaya in af-Soomaaliga lagu xisaabtamayo inuu ka mid noqdo afafka shaqo ee dawladda dhexe ee Itoobiya. Axmaarada oo aan fikirkan afafka lagu badinayo u cuntamin ayaa iyaguna geestooda ku doodaya in marba haddii dastuurka wax laga beddelayo la oggolaado in la qaado afti dadka lagu waydiinayo in laga noqdo nidaamka federaaliga ah ee isirka ku salaysan.
Source;Xeer Web