Duullaanka Canfarta iyo damaca ku ladhan – Qaybta 1aad

 

Waa qormooyin taxane ah oon ku eegi doonno taariikhda hagardaamada ku suntan ee Dhuunyar iyo Daymeed.

Laga soo bilaabo xilligii uu Xayle Silaase dhulka maanta loo yaqaan deegaanka Soomaalida kula wareegay heshiis uu la galay gumaystayaashii reer Yurub, waxay talisyadii Itoobiya iskaga danbeeyay Soomaalida u aqoonsanaayeen dad qaxooti ah oon dhulka iyagu lahayn iyagoo deegaanka Soomaalidana u aqoonsanaa dhul Itoobiya ka tirsan. Taas oo macneheegu yahay inay damacsanaayeen dhulka Soomaalida balse ay necbaayeen dadka Soomaaliyeed. Lix sano uun kadib xasuuqii Ayshaca wuxu Xayle Silaase 1966-kii dhul Soomaaliyeed oo u dhow Hawaas (Awash) u aqoonsaday hanti qaran isagoo ku tilmaamay beer xayawaanka lagu xanaaneeyo. Dhul-daaqsimeedkaas oo ilaa maanta loo yaqaanno Awash National Park waxa degganaa xoolo-dhaqato Soomaaliyeed gaar ahaan beesha Ciise. Waxana uu Xayle Silaase qorsheeyay in dhulkaas laga barakiciyo dadkii degganaa isagoo hadafkiisu ahaa in Soomaalida dib loo riixo lagana fogeeyo wabiga Hawaas. Waxay taasi dhalisay in Soomaalida si xoog ah dib loogu soo riixo aagga Ma’ayso iyo Madane. Xayle Silaase oo ay u cuntami wayday in dhulka Soomaalidu 220km kaliya u jiro Addis Ababa ayaa dhulkii Hawaas ee uu la wareegay ka dhigay mid ka caaggan xoolo-dhaqatada walow loo oggolaa xoolo-dhaqatada aan Soomaalida ahayn gaar ahaan Canfarta iyo Karrayu.

Mengistu Xayle Maryam oo beddelay Xayle Silaase ayaa isaguna halkii kasii waday barakicinta Soomaalida isagoo si gaar ah loogu xasuusto sidii uu xoogga u saaray magaalada Diridhabe oo uu Soomaali badan guryahoogii xoog kula wareegay. Si la mid ah Xayle Silaase, wuxu mar kale Mengistu qudhiisu 1977-kii isku dayay inuu Soomaalida gaar ahaanna beesha Ciise ka raro banka Hooyaale ee u dhexeeya Cadayti iyo Cundhuufo isagoo ku sheegay beer xayawaan oo uu ugu magac-daray Yangudi Rassa National Park. Xilliga oo ku beegnaa sannadkii ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku dagaallameen dhulka maanta loo yaqaan ismaamulka Soomaalida, ayuu Mengistu isku dayay sidii uu Soomaalida uga barakicini lahaa jidka isku xidha Addis Ababa iyo Casmara isagoo aaminsanaa in Soomaalida jidkaas deggani halis ku tahay jiritaanka Itoobiya. Waxana uu mar kale adeegsaday xeeladdii ahayd in xoolo-dhaqatada Soomaalida dhulkaas laga xayndaabo oo laga mamnuuco si ay dib ugu gurtaan.

La soco qaybta 2aad.

Xigasho;Xeer Web