Duullaanka Canfarta iyo damaca ku ladhan Qaybta 2aad

 

Qaybtii koowaad ee qormadan waxan kusoo qaadannay sidii uu Xayle Silaase 1966-kii uga shaqeeyay barakicinta xoolo-dhaqatadii Soomaaliyeed gaar ahaan Ciise ee ku dhaqnaa galinka Dayn gaar ahaan Hawaas iyo hareereheega. Waxa kale oon xusnay qorshihii Mengistu Haile Mariam ee 1977-kii uu ku rabay inuu Soomaalida kaga raro banka Hooyaale ee galinka Dhuunyar. Qorshaha Xayle Silaase wuxu noqday mid guulaystay balse kii Mengistu ma guulaysanin.

1991-kii waxa afka ciidda loo daray Mengistu waxana talada Itoobiya gacanta ku dhigay jabhadda TPLF oo muddo 30 sano ah taliskii Mengistu dagaal kula jirtay. Mar kasta oo taliska Itoobiya isbeddelo wax badan baa isbeddeli jiray balse cadaadiska Soomaalida lagu hayi wuxu ahaani jiray mid sii jira oo waliba sii xoogaysta. TPLF waxay sii wadday hagardaamooyinkii lala damacsanaa Soomaalida waxayna bilowgiiba awoodda saareen sidii shaki iyo madmadow loo galini lahaa lahaanshaha xarunta gobolka Sitti ee Diridhabe, damacaas oo ay ku guulaysteen iyagoo adeegsanaya dad Soomaaliyeed.

Hagardaamo kasta oo dadkeenna loo gaysto waxa loo adeegsani jiray oo shirqool kasta fulintiisa qayb ka ahaa laba-dublayaal dhiiggeena leh oo dhuuni iyo dhadhamo-raac ah. Ismaamulka Soomaalida ee xaruntiisu Jigjiga tahay waxay tahli kari waayeen inay Diridhabe badbaadiyaan. Intaas uun maahee waxay mar kale ka gaabiyeen inay xilligii kalaguurka ahaa maamulka Soomaalida gaadhsiiyaan Dhuunyar iyo Dayn. Garba-Ciise, Cadayti iyo Cundhufo waxay noqdeen magaalooyin ganacsi oo waawayn oo soo jiita indhaha cadowga maaddaama ay dhammaantood saaranyihiin jid Itoobiya muhiim u ah waxana magaalooyinkaas daryeelkooga dayacay maamulka Soomaalida oo qabyaalad awgeed uga gaabiyay in magaalooyinkan iyo dhulka ku gadaaman degmooyin loo aqoonsado. Cadayti laamiga kasokow waa magaalo ku taalla halka uu wabigu ka gooyo laamiga waxayna 262km u jirtaa Afdam oo lagu sheegay inay ka tirsantahay. TPLF waxay ka faa’iidaysatay god-daloolooyinkaas iyagoo dhulkaas u arkay mid aan cidiba lahayn oo sidii la doono laga yeeli karo. Waxayna mar kale TPLF halkiisii kasii amba-qaadday qorshihii Mengistu ee banka Hooyaale lagaga dhigayay goob duurjoogta lagu daryeelo oo lagu magacaabo Yangudi Rassa National Park si marmarsiiyo loogu helo ka mamnuucidda reer-guuraaga dhul-daaqsimeedkaas. Si qorshahaas loo fuliyo wuxu Meles Zenawi sannadkii 2002 si buuxda u aqoonsaday Yangudi Rassa National Park oo lagu daray liiska goobaha daaqsinka ka caaggan ee duurjoogta u gaarka ah. Waxa intaas bar-bar socday dagaallo toos ah oo lagu hoobtay laguna bartilmaameedsaday magaalooyinka saaran jidka laamiga ah waxana weerraradaas ugu waynaa kii lagu baabi’iyay Canbulle oo ahayd magaalo Soomaaliyeed oo u dhow Gawaani. Kadib markii Canbulle dhulka lala simay wixii Ciise badbaaday ee barakacay waxay degeen Dan-la-helay oo laamiga 12km ka sokaysa halkaas oo haddana marar badan lagu weeraray.

Si la mid ah Xayle Silaase iyo Mengistu, TPLF wuxu hadafkeega ugu wayni ahaa in jidka laamiga ah ee Casab tega iyo wabiga Awash laga durkiyo Soomaalida maaddaama jidku Itoobiya dhuuni u yahay wabiguna yahay ka ay Itoobiya ka beerto qasabka (aala-sonkorka) ay warshadda sonkorta soo saarta ku tiirsantahay. Damacaas wuxu muujinayay inaan Soomaalida lagu aamini karin goob muhiim ah.

Odacaliga oo qarniyo badan colaadi kala dhaxaysay beesha Ciise ayaa halkaas ka helay fursad dahabi ah oo dhul-ballaadhsi waxana ay xoogga saareen sidii dhulkaas khariidaddooda loogu dari lahaa iyagoo ka faa’iidaysanaya galaangalka badan ee ay saraakiisha TPLF la lahaayeen. Maamulka Canfarta oo xagga siyaasadda kaga xariifsanaaday maamulladii fadhiidka ahaa ee Jigjiga ayaa ku guulaystay inay khariidaddooda ku daraan gabi ahaanba labada galin ee Dhuunyar iyo Dayn iyagoo boqollaal kiiloomitir soo dhaafay goobihii jidka iyo wabiga u dhawaa.

La soco qaybta 3aad

Xigasho;Xeer Web