Kumaan Liyuu Boolise ah Oo Qalin Jabiyey Xili dhigooga Canfartu gumaad ku wado shacab Soomaaliyeed + Sawirro.

Waxaa maalinti shalay ahayd tababar loo soo xidhay in kabadan 3,000 ka mid ah booliska gaarka ah ee DDS oo ka qalinjabiyay dugsiga tababarada ciidanka booliska gaarka ah ee DDS, kuwaas oo ka kooban qaybaha kala duwan ee ciidanka iyo qayb khaas ah oo kumandos ah.

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Mohumed Omer iyo masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada iyo taliska ciidanka gaarka ah iyo haayadaha ay bahwadaagta yihiin ayaa ka qaybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo kadhacday dugsiga tababarka ciidanka gaarka ah ee magaalada jigjiga.

Ciidanka liyuu booliska ayaa ah laf Dhabarta amaanka iyo xasiloonida deegaanka iyo dalka, waxayna meelwayn kajoogaan bulshada deegaanka oo garawsan hagar la,anta hawl qabasho ee ciidanka.

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Mohumed Omer oo horay u balan qaaday tayaynta iyo kobcinta cududa haayadaha amaanka deegaanka gaarahaan liyuu booliska ayaa la odhan xukuumadiisu way kasoo baxday balantii ay shacabka iyo ciidanka ka qaaday qayb kamid ah.

Tababarka wuxuu ku soo beegmay xili gobolka Sitti qaybo ka mid ah ay Liyuu-ga is maamulka Canfartu ka haya xoola dhaqatada Soomaaliyeed dil iyo dhac aan loo meel dayin oo in muda ahba ka socday gobolkaasi,marar badan oo shacabku ku soo dacwoodeen dawlada degaanka Soomaali-Statena wax jawaab ah lagama hayo,sidda daraadeed dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in ciidamadda Liyuu -ga Soomaaliga loo carbiyo oo qudha in lagu wax yeeleeyo shacabka Soomaalida ee y ahayn xoogag loo sameeyey in ay shacabka Soomaalida difaacan.