Khasaaraha uu geystay duulaankii Canfarta ee ku socday mudadda 12 bilood ahayd shacabka reer Sitti

 

Dawladda deegaanka Soomaalida ayaa markii ugu horraysay shaacisay tirada rasmiga ah ee shacabka ku naf-waayay duullaanka Canfarta iyo waliba tirada xoolaha nool ee la dhacay. Maxamed Colaad oo ah lataliyaha madaxwaynaha ee dhinaca warbaahinta ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyay in 249 qof ay ku geeriyoodeen 288 kalena ku dhaawacmeen gulufka colaadeed ee maamulka Canfartu 11-kii bilood ee u danbeeyay uu ka waday Dhuunyar iyo Daymeed. Waxa uu intaas ku daray in xoolo gaadhaya 5,486 neef oo iskugu jira geel, lo‘ iyo adhi laga dhacay xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ee weerarka lagu hayo. Colaad ayaa sidoo kale u digay warbaahinta been-abuurka badan ee marka Soomaalida la xasuuqana aamusta marka hal qof oo qowmiyad kale ahni dhintana afka furta. Hoos ka eeg tirada khasaaraha oo faahfaahsan.

 

Keine Fotobeschreibung verfügbar.
Keine Fotobeschreibung verfügbar.