Duullaanka Canfarta iyo damaca ku ladhan Qaybta 3aad

 

Qaybtii 2aad ee qormadan waxay inoo maraysay maamulka Canfarta oo ku guulaystay in dhulka Dhuunyar iyo Daymeed lagu daro khariidadda deegaankooga. Arrintaas waxa fududeeyay saraakiil iyo sirdoon TPLF ka tirsanaa kuwaas oo si toos ah waddanka gacanta ugu hayay si gaar ahna Canfarta u maamulayay. Soomaali-nacaybka muuqday een qarsoonayn ka sokow, wuxu TPLF qorshohoogu ahaa in Canfarta dhul laga siiyo Dhuunyar iyo Daymeed si loo illowsiiyo sheegashada dhul ka tirsanaa degmooyinka Abcala iyo Barahle ee Zone 2 ee deegaanka Canfarta oo uu horay uga qaatay deegaanka Tigreegu xilligii ay xukunka qabsadeen. Deegaanka Canfarta oo laga soo riixay xuduudda galbeed iyo waqooyi-galbeed ee ay Tigreega la leeyihiin ayaa la qorsheeyay in magdhow looga dhigo Dhuunyar iyo Daymeed. Tigreegu markii ay dhulkeenna khariidad ahaan Canfarta ku dareen, waxay Canfarta kula taliyeen inay weerarro joogto ah ku barakiciyaan reer-guuraaga Soomaaliyeed ee aaggaas ku dhaqan kadibna ka aasaasaan degmooyin Canfar ah si ay dhulka u mulkiyaan. Intaas kadib waxay Canfartu bilowday weerarro aan kala joogsi lahayn oo habeen iyo maalin ah balse waxa la mari waayay ragga mitidka ah ee dhulkaas ilaahay ku beeray oo iyagu mar walba gacanta sare lahaa taas oo niyad-jab ku dhalisay maamulka iyo shacabka Canfartaba. Walow ay garab waayeen, haddana Soomaalida dhulkaas ku dhaqan oo dagaalyahan u badan ayaa dhexdooda isku tashaday iyagoo maalinba meesha lasoo weeraro u wada gurmani jiray waxayna sannado badan ahaayeen darbi xadiid ah oo la mari waayay. Maamulka Soomaalida oo wacyigiisu hooseeyay ayaan dhulkaas kaba warqabin haba yaraatee dayacayna oon gaadhsiinin wax adeeg aasaasi ah. Xasuusnow khariidadda sida hoosaasinta loogu daray Canfarta kasokow, dhulkaasi si sharci ah looguma wareejinin Canfarta waxaana deegaanka Soomaalida laga sugayay oo kaliya inay maamulka iyo adeegyada muhiimka ah gaadhsiiyaan.

Mar kasta oo dagaal aaggaas ka dhaca Canfarta lagu jabiyaba waxa Addis Ababa looga yeedhi jiray hoggaaminta labada deegaan si colaadda loo xakameeyo. Nasiibdarro deegaanka Soomaalida oo sannad walba ama labadii sanaba isbeddel xagga maamulka sare ahi ka dhici jiray waxa mar walba shirka ka qayb gali jiray waji cusub oon arrinta laba soconin. Geesta kale waxa mar walba deegaanka Canfarta shirarka uga qayb gali jiray madaxwaynohoogii muddada dheer soo maamulay ee Ismaaciil Cali Siiro kaasoo door udub-dhexaad ah ka ciyaaray shirqoolkan. Akhriste xasuusnow Ismaaciil Cali Siiro wuxu deegaanka Canfarta madaxwayne ka ahaa muddo ku siman 19 sannadood (1996-2015) halka deegaanka Soomaalidana ay muddadaas xilka la kala wareegeen 7 madaxwayne oo ka ugu badani kursiga ku fadhiyay muddo aan 3 sano gaadhayn. Siiro oo la sheegay inuu xidhiidh dhalasho la lahaa Tigreega wuxu si hufan ugu hadli jiray afka Tigreega waxana dhacday in marar badan oo Addis Ababa shir loogu yeedhay labada maamul inuu Af-Tigree ku hanjabay isagoo cabsi galinaya madaxda Soomaalida tusayana inuu wiil Tigree ah yahay.

Kadib markii ay maamulka Canfartu garwaaqsadeen inayna dhulka cudud ciidan ku qabsani karin, waxay mar kale la tashi la sameeyeen TPLF oo Itoobiya maamulaysay waxayna isku afgarteen in khidadda la beddelo oo dhulka wareejintiisa toos looga saxeexo hoggaaminta deegaanka Soomaalida waxana shirarkii Addis Ababa ka dhici jiray ee marka hore daminta colaadda lagaga hadli jiray loo beddelay kuwo madaxda Soomaalida culays lagu saaro si ay dhulka si rasmi ah ugu wareejiyaan. Inkastoo madaxda Soomaalidu ay aad uga gaabiyeen mas’uuliyaddii ka saarnayd dhulkaas iyo dadkaasba, haddana waxay madaxwaynayaashii deegaanka soo maray ka sinnaayeen inaan dhulkaas saxeexooga lagu qaadanin waxayna mar walba ka cudur-daarani jireen saxeexa dhulka. TPLF iyo Canfartu kama daalin hammigooga waxana riyadoodii ay u hirgashay sannadkii 2014-kii xilligaas oo saxeexii ay sannadaha badan raadinayeen ka heleen Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo ahaa mujrimkii qarniga iyo madaxwaynihii ugu damiirka xumaa ee deegaanka Soomaalida soo mara.

La soco qaybta 4aad

Xigasho;Xeer Web