DP World: Dhaawac weyn ayaa naga soo gaadhay xurguf iyo dagaalka dalka Jabuuti.

 Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in xiisadda kala dhaxeysa dowladda Jabuuti ay dhaawac xooggan oo dhaqaale u gaysatay shirkadda.

Guddoomiyaha DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa sheegay in shirkadda ay dhib kala kulmeysay inay lacag ka amaahato bankiyada tan iyo markii dowladda Jabuuti ay la wada wareegtay dekedda Dooraaleh oo ay shirko ku ahaayeen.

“Waxaan sameynnaa maal-gelin balse qiimo badan ayaa nooga baxaya. Taasi waa dhaawac” ayuu ku dhawaaqay Sultan Ahmed oo ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda, halkaasi oo shirkaddiisa ay 35 milyan oo doollaar ku mala-gelineyso xarun cusub oo ganacsi.

“Waxaa yaraaday bankiyadii lacagta na deemin jiray. Banki kasta oo lacag na deymin lahaa waxa uu leeyahya ‘ka waran haddii dalka aad maal-gashanaysaan uu idinku sameeyo sidda Jabuuti?’ oo kale marka Jabuuti waddo xun ayay noo furtay” ayuu raaciyey Sultan Ahmed bin Sulayem.

Dowladda Jabuuti ayaa dekedda Dooraaleh kala wareegtay DP World, oo wax ka maal-gashatay, bishii Febraayo ee 2018, sababo la xidhiidha muran soo socday ilaa 2012.

DP World ayaa sharci darro ku tilmaamtay la-wareegistaas, waxaana Maxkamadda London ee Dhex-dhexaadinta Caalamiga ah ay bishii August 2018 xukmisay in qandaraaska DP World uu yahay mid sax ah oo aysan Jabuuti ka bixi karin.

Jabuuti way ku gacan saydhay go’aanka maxkamadda magaalada London