Dr, Abiye Ahmed ka dib biladdi nabada iyo xaalka maanta!

Mudaharaadyo lagu taageerayo Jawar Mohammed ayaa ka dhacay meelo badan oo Oromia ah iyo qaybo Addis Ababa ah. Dhalinyaro tiro badan ayaa isugu soo baxday magaalooyinka iyaga oo ku dhawaaqaya magaca Jawar islamarkaana lahaa, „Abiy ha dhaco.“ BBC-da ayaa sheegtay in dibdabaxayaasho ku gubeen magaalada Dadar buugii uu dhowaan qoray Abiy Ahmed.
Jawar ayaa xalay bartiisa Facebook- ga kusoo bandhigay qoraalo, codad iyo muuqaalo muujinaya in ilaaladiisi gaarka ahayd laga qaadayo isaga oo aan loo digin. Wuxuu xusay in uuna sheegi karin cida amarka bixisay, balse qorshuhu ahaa inla dilo.
Wakaalada Reuters ayaa tibaaxday in dhalinyaro gaadhaysa ilaa 400 ay isku gadaameen guriga uu degan yahay Jawar Mohammed. Waxaa lagu xusay warbixinta in dhalinyarada ka mudaharaaday gobolka Oromada ay xidheen wadooyin badan.
Jariirada Addistandard ayaa dhankeeda ka sheegtay in dibadbaxyo lagu taageerayo Jawar iyo kuwo lagaga soo horjeedo ka dhaceen caasimada. Jariirada ayaa sheegtay in Kara Qora oo kamid ah xaafadaha caasimada ay isugu soo baxeen dhalinyaro ku dhawaaqaya, „Jawar waa tuug.“ Waxaa warbixinta lagu sheegay in ciidamada amaanku kala dhaxgaleen labada kooxood ee dibadbaxyada lidka isku ah waday islamarkaana la kala kaxeeyay.
Taliyaha booliska Ethiopia, Endeshew Tasew, ayaa warbaahinta dawlada la wadaagay in booliska iyo dawladu ayna bixin amar lagu qaadayo ilaalada Jawar Mohammed. Sarkaalka ayaa dhaliyrada mudaharaaday faray inay wadooyinka furaan islamarkaana amaanka dhowraan. Waxaa kale oo ciidamada amaanka la faray inay dariiqyada furaan.
Jawar Mohammed ayaa ah nin u ololleeya danaha Oromada islamarkaana ah madaxa warbaahinta OMN oo kaalin mug leh kasoo qaadatay kacdoonkii dalka u horseeday isbadalka. Jawar wax xil ah uma hayo dawlada laakiin wuxuu saamayn xoog leh ku leeyahay guud ahaan dadka Oromada, gaar ahaan dhalinyrada la magac baxday Qeerroo oo laf dhabar u ahaa kacdoonkii Oromada.
Waxaa waayadan jiray tuhun ah in madmadow ku dhaxjiro Abiy iyo Jawar, laakiin waxaad mooda in tuhunkaas soo muuqday toddobaadkan. Jawar ayaa kasoo hor jeedsaday buuga uu dhowaan qoray Abiy Ahmed. Waxaa kale oo uu dood ka keenay Beerta Midnimada ee dhowaan ra’isulwasaare Abiy furay. Beertaas ayaa lagu soo bandhigay muqaalo ay leeyihiin boqor Menelik iyo Haileselasei oo Jawar rumaysan yahay inay dulmi xoog leh kula kaceen qaar kamid ah qoomiyadaha Ethiopia, gaar ahaan Oromada.
Ra’isulwasaaraha ayaa shalay sheegay inay jiraan dad maamula qaar kamid ah warbaahinta dalka oo haysta dhalasho shisheeye. Wuxuu ku eedeeyay inay horinayaan colaad iyo isku dhacyo. Abiy ayaa sheegay inaan loo dulqadanaynin dadka noocaas ah hadii ay ku hadlaan af Axmaar ama Oromo islamarkaana dawladu talaabo ka qaadi. Wuxuu sheegay in dadka noocan ahi dalka ka qaxaan markay dhibaato timaado. Abiy ayaa yidhi, “ Anagu hal dal kaliya ayaa leenahay.“
Jawaar ayaa sheegay in uuna wadanka ka cararin ee uu waxbarasho u baxay. Wuxuu intaa ku daray inuu baasaboor shisheeye qaatay kadib markii maamulkii hore u diiday basaborka dalka. Jawar ayaa haysta dhalashada Maraykanka.
Qulqulatooyinka cusub ayaa sii kordhinaya culayskii horay u saarnaa Abiy iyo xukuumadiisa. Dawlada ayaa la daala dhacaysa sidii loo miisaami lahaa midnimada dalka iyo awooda dawlad gobaleedyada. Maamulka Tigreega ayaa u dhaqma sidii mid dalka ka madaxbanaan. Mumulada Axmarada iyo Oromada ayaa la tacaalaya kooxo xagjir ah oo danaha qoomiyadahoodu kala weyn yihiin ta dalka. Qoomiyadaha Konfureed ayaa laga yaaba inay u xuubsiibtaan ismaamulo kala duwan.
Waxaa kale oo jira khilaaf siyasadeed oo u dhaxeeya EPRDF iyo caqabad ku wajahan qorshaha Abiy Ahmed doonayo in xisbi kaliya la isugu geeyo ururada haya talada dawlada dhaxe iyo ismaamulada.
Jiritaanka nidaamka federalka ah iyo in doorasho dhici karto sanadka soo socda ayey dood xoog leh ka taagan tahay.
Abiy ayaa shalay ku dhiiraday inay doorashadu xiligeeda dhacayso islamarkaana Ethiopia ayna kala tagayn hadii xitaa EPRDF kala daadato. Wuxuu sheegay in geedi socodka isbadalka dalku wajihi karo caqaabado, hasayeeshe loo baahan yahay in caqabadaha la tijaabiyo oo aan dib looga istaagin.
Waxaa hubaal ah in dadaadlka iyo isbadalka uu Abiy ku talaabsaday laga soo dhoweeyay dalka iyo dibadaba, laakiin waxaa dhanka kale muuqda inay Abiy caqabad ku yihiin tartanka qowmiga ah, is aamin la’aanta bulshada dalka, shirqoolada xukuumadii hore iyo awoodaha sii xoogaysanaya ee maamulada qaarkood
Haddii uu Abiy xoog adeegsado wuxuu u muuqan kaligii taliye dhiig faraha kula jira sida xukuumadihii ka horeeyay. Haddii uu sii wado siyaasadiisa dabacsanaanta ku dhisan waxay horseedi karta inay sii xoogaystaan xurgufaha qowmiga ah, fowdada meelaha qaarkood ka jirta iyo nidaamka dawliga ah uu meesha ka baxo.
Haddaba Abiy sidee ayuu dalka si nabad ah uga saari karaa xiliga kala guurka islamarkaana ugu hogaamin karaa nidaam dawli ah oo qanciya qoomiyadaha iyo ururada wadanka oo idil?