Goobihii Ganacsiga ee magaalada Diri-dhabe oo ilbaaba loo laaban Rabshado Socday awgeed (Sawiro)

Waxaa wali xidhan goobaha ganacsiga ee magaalada Diridhabe, sidda Suuqa Taywaanka, Ruus tara, Konel iyo Lagahare. Iyadoo waddooyinka lagu xidhay dhagaxaan taayarana lagu gubay.

Haddaba rabshadan oo maalintii labaad gashay ayaa hakad galisay ganacsigii magaalada, waxa kale oo ay xanibtay isu socodka dhanka gaadiidka ee magaalada.

Qeerro oo ah kooxda rabshadan wada ayaa ku andacoonaysa inay wadayaan rabshadaha maadaama ninkii madaxa u ahaa Qeerro la taabtay sidda ay wararku  sheegayaan mid kamid ah kooxdan Qeerro oo magaciisa ku gaabsaday Khadiir.

Guud ahaan magaalooyink waawayn ee Oromiya ayay sidan oo kale rabshaduhu u socdaan waxaana wali xaniban isu socodkii magaalooyinka, iyadoo sidoo kale uu xidhan yahay jidka laamida ah ee Jigjiga ilaa Addis Ababa iyo Jigjiga illaa magaalada Diri-dhabe.