Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Mudane,Jawar Mohammed oo ku eedeeyay Dr.Abiy Ahmed Kaligii Talisnimo.

26. Oktober 2019/in WARAR/NEWS /von admin

Jawar Mohammed oo ah siyaasi caan ka ah dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed inuu yahay kaligii  taliye dib ugu celinaya dalka Ethiopia xilliyadii hore.

Siyaasigan ayaa sheegay in uu kula tartami doono doorashada ka dhacaysa dalka Ethiopia  sannadka soo socoda Abiy Ahmed.

Jawar oo weriyaasha kula hadlay guriga uu ka degen yahay magaalada Addis Ababa  ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay qorsheeyeen in ay weerar ku soo qaadaan taasna ay sababtay banaanbaxyo ka dhacay caasimada Addis Ababa iyo gobolka Oromia Arbacadii iyo Khamiistii aynu ka soo gudubnay.

Hase yeeshee ciidamada amniga dalka Ethiopia ayaa beeniyay warkaas, waxayna hay’ada xuquuqda aadanaha sheegtay in ay banaanbaxyada ku dhinteen illaa 16 ruux.

Taliyaha Booliska Oromia ayaa sheegay in banaanbaxyada loogaga soo horjeeday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay ku dhinteen illaa 62 ruux oo rayid ah iyo shan boolis ah.

“Abiy waxaa ka muuqda calaamadaha hore ee kaligii taliyanimada waxana uu isku dayayaa inuu dadka cabsi geliyo xitaa kuwa ku dhowdhow ee ka caawiyay inuu talada dalka la wareego,aaminsana fikrado ka duwan kuwiisa.”ayuu yiri  Jawar oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP. “Cabsi gelintu waa bilowga xukun kaligii taliyanimo.”ayuu sii raaciyay.

 

Abiy Ahmed oo labo toddobaad kahor ku guuleystey abaalmarinta nabada ayaa talaadadii la soo dhaafay waxa uu sheegay sida uusan raali uga ahayn dadka leh warbaahinada oo arrimaha qowmiyadaha xoogga saara  kana horimaanaya midnimada.

Warkan ayaa dad badan u qaateen inuu ula jeedo Jawar Mohammed oo leh warbaahin gaar ah waxayna keentay in Jawar Mohammed uu ku baaqo banaanbaxyo.

Hadaladan ayaa waxa ay u muuqdaan kuwii sii xoogeynaya  khilaafka u dhexeeya ra’iisul wasaaraha iyo Jawar oo ah muwaadin Ethiopian ah oo haysta dhalashada dalka Maraykanka lehna warbaahinta Oromia Media Network.

Jawar oo ka soo jeeda qowmiyada Oromia ayaa abaabulay dhalinyaro ka soo horjeesatay xukuumadii Ethiopia intii u dhexeysay 2016 illaa iyo 2018 kuwaasoo  dhigey banaanbaxyo aan kala go’ lahayn oo sababtay in uu xukunka la wareego Abiy Ahmed.

Taageerayaasha Jawar ayaa aaminsan in ballanqaadyadii Abiy ee ahaa dib u habeynta ay joogsatay uuna ra’iisul  wasaaruhu bilaabay awood dhexe inuu ku maamulo dalka uuna aamusiyo mucaaradka siyaasiyiina xabsiga u taxaabay.

Hay’ada xuquuqda aadanaha ee Amnesty Interrnational ayaa sheegtay in tan iyo markii uu talada dalka Ethiopia la wareegay Abiy Ahmed dad badan la xirxirey gaar ahaan gobolka Oromia kuwaasoo la rumeysan yahay inay ka soo horjeesteen dowlada.

Si kasta ha ahaatee Jawar Mohammed oo iska dhalay aabe Muslim ah iyo hooyo masiixi ah sida Abiy Ahmed oo kale ayaa sheegay in haddii uu wadadiisii hore ku soo laabto Abiy Ahmed uu taageeri doono.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2019/10/Jawhar.jpg 960 720 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2019-10-26 00:32:462019-10-26 00:32:46Mudane,Jawar Mohammed oo ku eedeeyay Dr.Abiy Ahmed Kaligii Talisnimo.

raadin

warki u dambeeyey

  • Dowladda ITOOBIYA oo war kasoo saartay xaaladda Ra’iisul Wasaare Dr, Abiy Ahmed.
  • Itoobiya Oo Masar ku Eedeysay Inay Xasilooni Darro ka Abuureyso Soomaaliya.
  • Ururkii ONLF oo Rayaale Xaamuud u Doortay Gudoomiye iyo qayb kale oo waxba kama jiraan ku sheegtay Doorashadda
  • Al Fanaan maslax Middeeye oo si xirfadaysan uga hadlay heesti ruxdday quluubta ummadda islamka ah.
  • Trump Oo Warqad Dad Badan ka Yaabisay U Qoray Madaxwayne Biden-ka Bedelay.

kaydka wararka

  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Mucjiso lagu arkay Meydka Nin ku dhintay dagaalkii Iidaale ee Maxkamadaha Islaamiga... Itoobiya xaggay u socotaa? War iyo faallo kooban
Nach oben scrollen