Weerar is muujis u muuqday oo lagaga nixiyey maamulkii Hargeysa.

Faah faahino dheeraarad ah  ayaa ka soo baxaya weerar saaka lagu qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Weerarkaasi ayaa waxa mas’uuliyadiisa sheegtay Hogaamiyaha Jabhada weerarka soo qaaday ee Suldaan Wabar, isagoona xaqiijiyey in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamo isaga ka amar qaata.

Suldaan Abuubakar Wabar ayaa sheegay in ujeedka ka dambeeyay weerarkaasi ay ku qaadeen saldhiga dhexe ee Boorama uu ahaa in ay xukuumada maamulka Somaliland tusaan in dib u soo rogaal celisay Jabhadii uu hogaamin jiray, isla markaana ay awood leedahay.

Suldaan Wabar ayaa sidoo kale waxa uu xaqiijiyey in weerarkaasi ay wax khasaaro weyn ah uu ka soo gaadhin ciidamadiisa, iyagoona nabad qabana ay ku soo laabteen fadhiisintoodi ay markii hore weerar ka soo qaadeen.

Wabar ayaa sheegay in Jabhadiisu ay sii wadi doonto dagaalka, isla markaana ay awooda ciidankiisu tahay mid iska caabin karta ciidamada gobolka Awdal ee xukuumada Biixi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale, Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Somaliland, Sareeyo Guuto Faarax Maxamed Mirre oo isaguna goordhoweyd oo maanta ah la hadlay warbaahinta ayaa weerarkaasi ku sheegay mid ay fuliyeen dabley hubeysan.

Taliyaha ayaa wax uu ku sheegay ‘Qas wadeyaal’ ay weerar ku soo qaadeen Saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, isagoona xusay in ciidamadu ay iska caabin kala hortageen rasaastay ku fureen.

Waxa kale oo uu Taliyuhu sheegay in ciidamadii ku sugnaa saldhigaas ee weerarka lagu qaaday ay eryadeen qolodii weerarka ku soo qaaday, ilaa ay u gudbeen xuduudka dalka Itoobiya, waa sida uu sheege.

Xaalada guud ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa hadda ah mid degan, kadib markii ay saaka marti u noqotay dhowr saacadood oo dhawaaqa rasaasta iyo xaalad amni daro, sida war baahinta loo xaqiijiy.