Duullaanka Canfarta iyo damaca ku ladhan. Qaybta 4aad

 

Qaybtii hore waxay inoo joogtay maamulka Canfarta oo uu hoogaaminayo Ismaaciil Cali Siiro oo ku guulaystay in maamulka deegaanka Soomaalidu saxeexo wareejinta saddexda magaalo ee istiraatijiga ah ee Garba-Ciise, Cundhuufo iyo Cadayti. Saxeexaasi wuxu magaalada Hawaas (Awash) ka dhacay sannadkii 2014-kii waxana goob-joog ka ahaa saraakiil TPLF ah oo militariga Itoobiya ka tirsanaa. Waxa kaloo goobtaasi joogay Demeke Mekonen oo ahaa walina ah ra’iisalwasaare-ku-xigeenka Itoobiya. Waxa arrinta saxeexa hirgalinteeda qayb libaax kasoo qaatay General Abraha Woldemariam oo ku magac dheeraa General Quarter ahaana madaxii ciidanka Itoobiya ee qaybta Koonfur-bari fadhigiisuna ahaa magaalada Harar. General Quarter wuxu arrintan si gaar ah ugu xilsaaray oo hawshan wakiil uga ahaa Shiferaw Teklemariam oo ahaa wasiirkii arrimaha federaalka ee Itoobiya. Waxa iygaguna dulmigan door muhiim ah ka ciyaaray dhuuni-qaatayaal u dhashay gobolka Sitti kuwaasoo xoogay hunguri ah dhaafsaday dhulkooga. Dad sameeyay dhaq-dhaqaaq ay dulmigan ku diiddanaayeen ayaa cabsi badan dareemay kadib markii loogu hanjabay Diridhabe gudeheega laguna shaabbadeeyay ’nabad-diidnimo‘. Waxa sidoo kale la carqaladeeyay shir wadatashi ahaa oo lagu qabtay Casbuli kasoo ay gadh-wadeen ka ahaayeen Ugaaska iyo ganduhu.

Saxeexa dhulka waxa si gaar ah uga dhiidhiyay shacabka xalaasha ah ee ku dhaqan saddexda magaalo waxana lagu muquuniyay xoog ay adeegsadeen kaba-qaadayaashii Cabdi Iley oo kaashanaya maamulka Canfarta. Boqollaal qof ayaa xabsiga la dhigay iyadoo maalintii saxeexana Hawaas la geeyay dhowr daba-dhilif ah oo lagu sheegay inay shacabka metelaan oo looga gol lahaa in sawirro laga qaato iyagoo sheegaya inay ku faraxsanyihiin Canfarta. Warqadaha la kala saxeexday ayaa ahaa kuwo ay soo diyaariyeen saraakiil ciidan oo Tigree ah, mana jirin wax xuquuq ah oo dadkaasi ay leeyihiin oo la xusay, xitaa looma ogoglaanin inay noqdaan hal degmo oo iyadu ismaamusha. Si loo wiiqo cududda shacabka mitidka ah ee dhulkaas ku dhaqan, wuxu maamulka Canfartu go’aamiyay in saddexda magaalo laga dhigo saddex qabalee oo kala hoos tega saddex degmo oo kala ah Amibara, Gawaani iyo Mile oo ka kala tirsan labada gobol ee Zone 3 iyo Zone 1 ee deegaanka Canfarta.

Wixii intaas ka danbeeyay waxa reer Dhuunyar iyo Daymeed dilkii joogtada ahaa ugu biiray xadhig, cabsi-galin, afduub iyo jidhdil aan dhammaad lahayn. Maamulka Canfartu wuxu si degdeg ah usoo magacaabay maamullo daba-dhilif ah oo ka hawlgala saddexda magaalo waxayna isla markiiba saddexda magaalo soo dejiyeen Liyuu Boolis aad u hubaysan. Qof kastoo damiir leh inta habeen madow la afduubo ayaa lala tegi jiray xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalla magaalooyinka Samara, Logiya iyo Casayta. Waxa la birtilmaameedsaday cid walboo dareen leh oo ay ku jiraan hooyooyin, oday-dhaqameed da‘ ah iyo dhalinyaro. Waxa baaba’ay dhammaanba adeeggii bulshada ee marka horeba gabaabsiga ahaa sida caafimaad, biyo iyo waxbarasho. Maamulka Canfartu wuxu magaalooyinkii u beddelay xeryo ciidan.

Kasokow dhulka wareegay iyo dulmiga shacabka ku dhacay, waxay arrintu noqotay fadeexad iyo canbaar saaran bulshada reer Sitti. Cabi Iley oo ogaaday in reer Sitti laga heli karo qaar damiir-laawayaal ah ayaa in badan ku jees-jeesay wareejinta dhulka isagoo marar baran goobo fagaare ah ka sheegay in saxeexa dhulka ay sameeyeen dad reer Sitti ah. Mar uu u dan lahaa inuu dhaawaco midnimada beesha Ciise oo uu jilibyo u kala qaybiyo ayuu bartiisii cayda badnayd ee Cakaaranews kusoo qoray in jilibyo Ciise oo gaar ahi degganyihiin dhulka la wareejiyay isla markaasna kuwa dhulka saxeexay ay jilibyo kale ahaayeen. Cabdi Iley oo hadafkiisu ahaa inuu midnimada iyo dhabarnimada beesha lagu yaqaan uu kala dhantaalo ayaa qoraalkiisani uu dhinaca kalena cay iyo gumayn ku ahaa dadkii reer Sitti ee isaga u adeegayay ee kala qayb qaatay wareejinta dhulka.

Walow reer Dhuunyar iyo Daymeed ay galeen gacan cadow soo-jireen ah albaabkii rajaduna u muuqday mid xidhmay, haddana dadkaas mitidka ahi waxay muujiyeen dhabar-adayg iyo geesinimo xad-dhaaf ah. Waxay go’aansadeen inay madaxooga kor u xajiyaan xilli mugdi ah oo ay garab iyo gaashaanba waayeen. Waxay dhexda u xidheen inay ilaashadaan hankooga sare ee raganimada ku suntan. Waxay diideen wax kastoon u cuntamin qiyamkooga. Culays kastoo la saaray iyo awood kastoo loo adeegsaday waxay diideen inay hubkooga dhigaan oo ay is-dhiibaan. Waxay yeesheen adkaysi bani-aadam kii ugu xoogga badnaa waxayna ku faro-adaygeen ilaalinta sharaftooda iyo dadnimadooda. Waxay ku gacan-saydheen dhuuni-raacnimo iyo gumaysi. Waxay ilaahay ka rejeeyeen faraj khayr qaba. Iyagoon haynin hiil Soomaaliyeed oo garab-jooga, waxay noqdeen dad iyagu isku tashada. Caqabad kastoo lasoo daristana waxay ka dhex raadiyeen fursad ay kaga gudbi karaan culayska saaran.

La soco qaybta 5aad .

Source,Xeer Web