(Sawirro) Ayax Koronkor ah oo ku habsaday qeybo ka mid ah dalka Itoobiya kuna soo wajahan dhinaca Soomaalia.

Wasaaradda beeraha ee dalka Itoobiya ayaa bilaawday howlgal lagu xakameynayo Ayaxa ku baahay qeybo kamid ah dalkaas kaasoo saameyn ku reebay beeraleyda, sida ay ku warrantay warbaahinta taabacsan dowladda ee Fana.

Ayaxan koronkorta ah ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo duulay Bariga Dhexe gaar ahaan Yemen, waxaa uu baab’iyay dhul beereed ku yaal Dowlad Deegaanka Soomaalida, gobolka Tegreega, gobolka Cafarta iyo Amxaarada.

Waxay dowladda Itoobiya u daabushay degaanadaas dhowr baabuur oo ay saaran yihiin kooxaha wax buufiya iyo labo dayuuradood oo buufinaya Ayaxa la wareegay halkaas, sida uu sheegay wasiirka beeraha Itoobiya, Sani Redi.

Ayaxan ayaa ku faafay qeybo kamid ah dhulka Soomaalida, waxaa ka midah meelaha uu sida uu weyn u saameeyey gobolka Faafan, iyadoo shacabka walaac ka muujinayeen dhibaatooyinka uu ku reebay beerahooda iyo degaanka.

Warar qaar ayaa sheegaya in ayaxan uu u soo gudbay qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee Somalia, laguna arkay degaano ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado, waxaana laga cabsi qabaa in xoogiisa uu gudaha u soo galo dalka, dhibaatooyina u geysto dadka duunyada.