Cabdi Ilay Oo Maxkamada ku hor tawaawacay codsadayna in la Siidaayo.

Maxkamad ku taal magaalada Addis ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa mar kale waxaa lasoo hor taagay Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo loo heesto dambiyo kala duwan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamada horteeda ka sheegay in uusan wax dambi ah galin intii uu xilka hayay, waxa uuna tilmaamay in si wanaagsan u maamulayay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu ka dalbaday garsoorayaasha Maxkamada in la sii daayo loona soo celiyo xuriyadiisa maadaama uusan wax dambi ah gelin, waxa uuna meesha ka saaray eedeymaha iyo dambiyada lagu soo eedeeyay.

Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida oo ku xidhan xabsi kuyaala magaalada Adis Ababa ayaa marar badan la soo taagay Maxkamad, walina garsoorayaasha kiiskiisa gacanta ku haya go’aan kama gaadhin kiiskiisa oo mudo soo jiitamayay.

Cabdi Iley wuu dafirsan yahay ugu yaran tacadi u ka geystay jeel ogaadeen iyo wixii ummad lagu soo cadaabay oo uu isaguu masuul ka ahaa.