QORSHAHA CANFARTA EE CUSUB SIDEE KU HABOON IN LOOGA HOR TAGO ?

Bild könnte enthalten: 1 Person, sitzt und Text

Canfartu markay ku guul darraysatay inay cudud ciidan ku qabsato galbeedka Sitti waxay u wareegtay qaab kale oo ay is leedahay billoo dhul ku hanatay .

Qaabkan ay hadda qaadatay waxa weeye qaab ku salaysan arimahan :

◊ Waxay ka dagayaan Sadexda magaalo iyagoo gabbaad iyo gaashaan ka dhiganaya ciidamada federalka .
◊ Ciidamada federaalka oo galaya hawlo aan loo igmanin oo aad u foolxun waxay cabbudhinayaan shacabka una gaysanyaan jidh dil xadhig qasabna ku gaynayaan shir aanay raali ka ahayn .
◊ Waxay ku soo daad guraynayaan sadexda magaalo iyo qabaleeyada hoos yimaada dad laga soo keenay gobolka canfarta oo qaar badan loo soo xidhay dhar dhaqameedkii ciisaha si Cameradu u qabato Mediyuhuna ku sheego inay yihiin bulshadii magaalooyinka daganaa oo raba „nabada darkeeda ay canfartu xidhay “
◊ Waxaa qorshaysan iyadoo gaashaan laga dhiganayo ciidamada federaalka inay canfartu ka fuliso saddexda magaalo iyo qabalayaasha hoos yimaadaba „Demographic change“ ay furaan dhulka canfar laga soo daad gureeyay dhul kale lagana barakiciyo dadkii daganaaa ee soomaaliyeed .
◊ Qaabkan iyo tabtaa haday u hir gasho waxaa qorshaysan mudda bila ah ka bacdi in Afti laga qaado bulshooyinka ku dhaqan sadexda magaalo sidaana canfari ku hanto dhulka “ Dayn iyo Dhuuyar “ ee aadka u baaxada waynle Khayraad dihin oo badana uu eebe ku mannaystay .
DAWRKII DAWLADA FEDERAALKU MUXUU NOQDAY ?
Canfarta waxaa si qaawan u la saftay dawlada federaalka oo rabta inay dhulka canfar ku siiso quwad militari iyo qori afkiii waana arrin aad loola yaabo oo ka baxsan shirciga iyo dastuurka dalka u yaala ee ay qoomiyadaha iyo shucuubta Ethiopia kuwada joogaan laguna kala sar dhabo .

QAABKAN MAKASII FIKIRNAY MANA HAYNAA TABTAAN UGA HORTAGLI LAHAYN ?
Run marka laga hadlo qaabkan soomalidu marna kamay sii fikirin iskumana diyaarin mana hayayaan ilaa hadda qaabkay uga hor tagi lahaayeen .
Wuxuuna ku noqday arrin lama filaan ah sidaa awgeed ilaa hada oo laga joogo falkaa 48 saac wax tallaaba ah oo muuqda oo la qaaday maan arag mana maqal oon ka ahayn saacada yar oo maanta jidka la xidhay .
TALOOYIN AAN ISLEEYAHAY WAXBAY KA TARAYAAN QORSHAHAN CUSUB EE CANAFRTU LA TIMID :

❶ Shacabka ku dhaqan saddexda magaalo iyo nawaaxigooda waa inay diidaan ka hor tagaan hawlgalladan iyo shirqoolkan qasabka ah waa inay qaataan dhimasho iyo xadhig cabsidana meel iska dhigaan ay bannaanbaxaan waayo masiirkooda iyo mustaqbalkooda ayaa halis ku jira .
❷ Dawlad degaanka Somalidu waa inay si dagdag ah ugu gudbisaa dawlada federaalka ashkato ka dhan ah ciidamada federaalka ee ka hawl gala aagaa iyo ismaamulka canfarta
Oo gabi ahaanba ka baxay heshiiskii u danbeeyay uu raysal wasaraha dalku ka odayaynayay .
❸ Dawlad degaanka Soomalidu waa inay dhaqan galisaa go’aankii ay ku burisay heshiiskii dhulkaa lagu saxeeyay oy ciidamada Liyu police ka soomaliyeed u dirtaa galbeedka Sitti oo looga sameeyo xeryo ka ag dhaw saddexda magaaloo si loogu diyaar garoobo soo celinta magaalooyinka sida sharci darrada ah lagu afduubtay .
❹ Siyaasiyiinta Soomaliyeed iyo aqoonyahanka soomaaliyeed, waa inay la xidhiidhaan idaacadaha ku baxa afka amxaarka ay baraaan qaawiyaan hawlagalada qaldan ay wadaan canafrtu .
❺ Shacab waynaha Soomaaliyeed dhammaan gobolada oo dhan gaar ahaana degmooyinka gobolka Sitti waa in laga fuliyaa kacdoon furan oo la xidhaaa jidadka gaadiidka xadiidka iyo kan gawaadhidaba oo ay xidhnaadaan ilaaa laga maqlayo cabashada shacabka lagana raali galinayo wixii dhacay .
❻ Siyaasiyiin ka socota Dalwad degaanka Soomalida iyo duqayda ganduhu waa inay ka dagaan Saddexda magaalo oo siday faleen canfartu iyaguna falaaan .
❼ Ogaaska Beesha aabo Mustafe waxaan si ixtiraam iyo qadarin ku jirto uga codsanaynaa inuu shir iskugu yeedho gandaha waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta,
Ganacsatada iyo hormoodka barbaarta shirkaana lagu qabto magaalada shiniile ee ah xaruunta Gobolka Sitti oo looga hadlo arimahan lagana soo saaro go’aano wax tar leh .
❽ Qurba joogta Beelwaynta Ciise iyo ta soomaliduba waa inay iskugu yimaadaan shirar lagu ururinayo gargaar dhaqaale laguna taageerayo galbeedka Sitti .
❾ „SI Waliba way dhacdaaye“ Gobolka Sitti Waa in si buuxda loogu diyaar garoobo hawlgallo dagaal oo ballaadhan oo ka dhan ah canfarta laguna xoreeyo mar qudha galbeedka Sitti lagagana saaro canfarta la soo furay dhawaan .

W.Q / Zakaria Saad Ahmed