Aamusnaanta Jigjigga waxay ka dhigan tahay in ay og tahay waxaa ka socda Cadayti

Waxa Ka Socda Magaalada Cadhaytu Iyo Aamusnaanta Xukuumada DDS Maaha Wax Ummada Soomaaliyeed Qabta.

Kadib wada hadalkii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray masuuliyiinta xukuumada Soomaali-State iyo is maalmulka dhulboobka ah ee canfarta waxaa maalmahanba si isdaba joog ah magaalada Cadhaytu uga socda falal lidi ku ah amaanka nafta, maalka iyo jiritaanka deegaan ee dhulkaasi oo ay iska kaashanayaan milatariga itoobiya iyo is maamulka canfartu oo adeegsan xeeladda kala duwan oo dhul doon ah.

Cadgaytu oo kamida 3da magaalo ee canfarta hada kahor sida xaaraanta ah loo raaciyay balse mudo kahor shacabku iska xoreeyeen ayaa waxaa daraad soo gaadhay hogaanka Nabadagalyada maamulka Canfarta oo ay ilaalinayaan milatariga itoobiya kuwaas oo dadka deegaanka ku qasbay inay kulan xaaraan ah laqaataan  waa Nadalkii shalay muuqbaahiyaha itoobiya kalahaa Al-shabaab iyo Somaliland ayaa nasoo weerartay

Bild könnte enthalten: 1 Person

.

Ilaa hada ma ogin sababta keentay in loo ogolaado in maamulka canfartu yimaado magaalada cadaytu waliba shacabka soomaaliyeed loo xidhxidho inay lakulmaan ninkii xasuuqayay, waxaase midaa kadaran aamusnaanta xukuumada deegaanka oo bulshada ku abuurtay shaki ah in markale masiirka umada god lagu riday Cadaytu iyo dadkeedana canfar loo hoosaasiyay.

Waa hubaal shacabka reer Sitti shalayna dhulkooda iyagaa difaacay maantana iyagaa difaacan laakiin waxaa wax aad looga yaxyaxa ah in xukuumada deegaanku aysan bulshada usoo bandhigin waxa ay ka ogtahay dhaqdhaqaaqa canfarta iyo ciidamada dawlada dhexe wadaan iyo hadiiba ay raali katahay iyo hadii kale.

Hadii sida ugu dhakhsaha badan ay xukuumada deegaanku bulshada uga qancinwaydo waxa cadaytu kasocda waxaa hubaala inay dusha saaran doonto cawaaqibkasta oo arintaasi ka dhalata islamarkaana waxaa guudahaanba meesha kabixi doona kalsoonida shacabka deegaanku uu xukuumada ku qabo.