Dadweyne ka Cadhaysan nin laga xidhay oo rabshado ka wada magaalada jabuuti(Sawiro iyo Video)

Tan iyo maalinti shalay waxaa qaybo ka mid ah magaalada Jabuuti ka jiray rabshado ay dhigaayeen dhalin yaro ka soo jeeda qaqmiyidda canfarta ee dalk Jabuuti dhalintan oo ka cadhaysan wiil dhalin yaro ah oo lagu magacaabo KAKO oo ay sheegeen in ay ciidamada Booliska Jabuuti ka xaysteen xaafadooda ka dibna aan war laga hayn meel loo qaaday iyo waxaa dambi ah ee lagu haysto.

Xaalada ayaa marna marka ka dambaysa sii kulululaatay waxaana lag cabsi qaba in ay ku soo biiraan dhalin yaro kale oo ariintuna sii xumaado.

Dawladda Jabuuti wali kama hadal rabshaddan ragaadiyey isku socodkii dadka iyo dadwaynaha waxaa sidoo kale la wada dhowri waxaa dhici kara marka laga soo baxo salaata jimcaha oo dad badan masaajida ka soo bixi doonaan.

Dawlada ayaa ciidamo fara badan oo qaybo kala duwan iskugu jira kusoo daadisay magaalada maaha markii koobaad ee dalka jabuuti dhalin yaro xaafadooda lagala baxay waxaan ogsoonay in bil ka hor wiil dhalin yaro ah oo xaafadooda laga qaaday Loona taxaabay xarunta dhexe ee Booliska ee tuulada Nagaadh wiilka oo la odhan jiray Gadiidshee ayaa waxaa qoysikiisi lagu soo ceshay isagoo mayd ah xubnaha jidhkiisa qaar lagala baxay.

Slået op af Dilleyta Tourab i Torsdag den 31. oktober 2019

Bild könnte enthalten: Feuer und im Freien

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen, Personen, die stehen, Personen gehen spazieren, Kind und im Freien

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen, Personen, die stehen, Baum, Himmel und im Freien

Bild könnte enthalten: 2 Personen, Menschenmasse, Himmel und im Freien