Shir Muhiim ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Diri-dhaba.

shir jawaab u ahaa afduubkii is maamulka Canfartu u geystay shacabka reer Cadaytu ayaa maanta lagu qabtay magaalada Diri-dhaba shirka waxaa ka hadlay Afhayeenka Ugaaska beesha Ciise Buux Suge
Oo hadalo kulul  ka Jeediyay shirki Jaraa’id ee maanta ka qabsoomay Hotelka salam ee Diri-dhaba.

Buux Suge wuxuu eedeyn kulul dusha uga tuuray  madaxwayne is maamulka Canfarta oo been abuurtay guud ahaanba shacabka reer Sitti gaar Ugaas beesha ciise iyo Gandaha oo ay Canfartu ku sheegtay in ay afduubka wax ka ogaayeen.

Afhayeenka ogaaska beesha Cise Oo hadalo ka Jeediyay shirki Jaraa'id ee maanta ka qabsoomay Hotelka salam dirdhaba ayaa halka ka cadeeyay Afduubki iyo wixi ka dhacay #cadaytiWaxa u yidhi "wixi halka ka dhacay inayna waxba ka jirin ayaan u sheegaynaa media ha iyo calaamkaba wax ogaas ah iyo wax guurti ah iyo wax somali ah oo ka qayb galay shirkaa inuu na jirin"Sido kale waxa uu fariima u diray warbaahinta rasmiga ee ethiopia iyo wazaarada nabadda ee dalka

Slået op af INA News i Søndag den 3. november 2019


Afhayeenka ahna xubin ka ka tirsan Gandaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi;wixii magaalada Cadaytu ka dhacay inayna waxba ka jirin ayaan u sheegaynaa media ha iyo calaamkaba wax ugaas cise ah iyo wax guurti ah iyo wax Soomaali ah oo ka qayb galay shirkaa afduubka ahaa inuuna jirin.

Siddo kale waxaa uu fariin iyo dhaliil culus u diray warbaahinta rasmiga ee dalka Itoobiya iyo wazaarada nabadda ee dalka oo si qaawan ula saftay been abuurka Canafarta.