Xurguf ka dhalatay qaraxii 2014 oo ka dhex-taagan maamulka Hargeysa iyo dalka Jahmuuriyadda Jabuuti.

Maamulka Somaliland ayaa waxa si weyn loogu eedeyay inay ka gaabisay baadhista kiiska qaraxii dalka Jabuuti ka dhacay sannadkii 2014, sidda lagu sheegay Warbixin ay dowladda Mareykanku soo saartay.

Warbixintaasi ayaa waxa laga dheehan karayey in dowladda Jabuuti ay maamulka Somaliland ka helin wax iskaashi ah oo ku aadan baadhista iyo daba galka kiiskaasi, taasi oo ay ku eedeynaysay in maamulka Somaliland ay sabab u noqotay gaabiska ku yimid baadhista kiiskaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa si cad ugu eedeysay in aanu garsoorka maamulka Hargeysa la samaynin iskaashi buuxa, iskaashi la’aantaasina ay sababtay dib u dhaca ku yimid baadhista kiiskaasi oo dhacay sannadkii 2014-ka.

“Waxaa la soo gebo-gabeeyey sannadkii 2018 iskaashi caalami ah oo hordhac ah oo ku saabsan kiiska qaraxii 2014 ka dhacay [maqaaxida] “La Chaumiere” ayaa lagu yidhi Warbixintaasi oo ay soo saartay dowladda Mareykanku, isla markaana lagaga hadlayey la dagaalanka argagixisada.

Waxaa sidoo kalena lagu sheegey warbixintaasi “Dowladda Jibuuti waxa u qorshaysnayd inay bilawdo dacwadda ciqaabta ah 2019. Sida ay sheegeen saraakiil dawladda [Jabuuti] ka tirsan, iskaashi la’aanta  garsoorka deriskeeda Somaliland ayaa ka qayb qaatay dib u dhaca baadhista”.

Warbixinta oo ay soo saartay dowladda Mareykanku ayaan lagu xusin wax jawaab ah oo ay maamulka Somaliland ka bixisay eedaha Jabuuti iyo sababaha ay uga gaabisay gacan ka siinta baadhista qaraxaasi.

Warbixintaasi uu Mareykanku uga hadlayey la dagaalanka Argagixisada, isla markaana eedaha ay dowladda Jabuuti ku sheegtay gacmo ka laabashada Somaliland, ayaa waxa lagu daabacay 1-dii bishan November bogga Wasaarada arrimaha dibedda Mareykanka.