Rasaas goos-goos ah ayaa caawa laga maqlay magaalada Cadaytu

Rasaas goos-goos ah ayaa caawa laga maqlay magaalada Cadaytu saacadda geeska Afrika markay ahayd 22,30 habeenimo laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Cadaytu,inkasto ay tahay goor dambe oo habeen ah hadana dhawaaqa rasaasta ayaa laga maqlaayey dhamaan magaalada,Rasaastu waxay ka dhacay qaybta waqooyi ee magaalada oo ay ku yaali goobo yar yar oo la seexdo oo ay leeyihiin dad ka soo jeeda qawmiydda Amxaarka ee dalka Itoobiya,goobaha ay rasaastu ka dhacday ayaa waxaa maalmahaan si dhuumaalays ah ugu sugna dad canfar oo sidda la sheegey la rabo in magaalada la soo dejiyo.
Goob-joogayaal ka agdoow meesha laga maqlay rasaasta ayaa sheegey in ay wakhtigan adagtahay in la ogaan karo khasaara wixii dhacay,ciidamadda fedaraalka oo magaalada gees ka dagan ayaa isla markiiba magaalada la soo daayey wakhtigan xaadirka waxaa magaalada meel kasta gaaf wareegi ciidanka fedaraalka.
Xasaaradda ka taagan magaalada Cadaytu waxay sii xumaaday tan iyo markii ay is maamulka Canfartu todobaadkii la soo dhaafay ay shir been abuur ah ku afduubeen shacabka magaalada shirka oo looga been sheegey in shicibka reer Cadaytu ogol yihiin in ay ka tirsan yihiin kililka canfarta warka oo ay waxba ka jirin.
Labaddi sanno ee u dambaysay Cadaytu waxay hooy u ahayd dil,dhac iyo barakaciin uga imanaysay is maamulka Canfarta.