Dowlada Ethiopia oo sirasmi ah ula wareegtay hogganka IGAD (Sawiro)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sirasmi ah ula wareegay xilka Xogheyaha fulinta IGAD , xilkaas oo uu dhawaan u Magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dowladda Somalia oo loolan adag ugu jirtay heliada xilkaas ayaa waxaa ay u sharaxday Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/salaam hadliye Cumar,hayeeshee dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo isku wareejiyey xilalka xoghayaha iyo guddoonka IGAD ayaa markale waxaa ay la wareegeen labadaasi xil.

Xogheyaha fulinta IGAD ayaa waxaa horay u ahaa Maxbuub Macalin,waxaana haatan uu xilka sirasmi ah ugu wareejiyey Xoghayaha Cusub ee Fulinta IGAD Dr Workneh Gebeyehu.

Shir ay dhawaan ku yeesheen Madaxda Urur Goboleedka IGAD Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa laga shaaciyey in Soomaaliya u tanaasushay Itoobiya,balse Jabuuti ay diiday taas oo keentay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu safar deg deg ag ku tago si uu u qanciyo.

Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa waxaa ay kala hoggaamin doonaan Xoghayaha Fulinta IGAD iyo Guddoonka IGAD oo dhawaan uu la wareegi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

  

Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa qiil u samaystay sababta “ay u mudan yihiin” in ay inta badan hayaan labada xil ee ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, xilli dalalka kale ee IGAD aysan ku qanacsaneyn.

Dr. Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa xilka xoghayaha fulinta IGAD waxa uu 7-dii bishan kala wareegay Maxbuub Macallin oo u dhashay Kenya, halka madaxweyne Uhuru Kenyatta la filayo inuu guddoomiyenimada kala wareego ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Arrintan ayaa imaneysa in kasta oo ay jirtay diidmo xooggan oo ka imaneysay Soomaaliya iyo Jabuuti, oo doonayey mid ka mid ah labada xil ee ugu sarreeya ururka.

Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, Nairobi iyo Addis Ababa ayaa ku dooday in maadaama ay yihiin labada dal ee lacagta ugu badan ku bixiya miisaaniyadda ururka, inay mudan yihiin labada xil ee ugu sarreeya.

Labada dal ayaa midkiiba waxa uu sanadkii miisaaniyadda ururka ku tabarucaa 2.7 milyan oo dollar, sida lagu sheegay warbixinta Daily Nation.

Lacagtaas ayaa lagu kabaa kaalmo dhan 16 milyan oo dollar oo sanad kasta ururka uu ka helo deeq bixiyayaasha caalamka, ayada 2.33 milyan oo ka mid ah ay ka timaado Midowga Yurub.

Soomaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya in xilalka ururka noqdaan kuwa wareegto ah, si dal kasta oo u sugto kolkiisa, hase yeeshee Kenya iyo Itoobiya ayaa taas kasoo horjeeda. Ma cadda waxa ay Soomaaliya iyo Jabuuti sameyn karaan si ay taas u dhacdo.

Sidda la wada og yahay ururkan IGAD waxaa lagu aasaasay magaalada Jabuuti waxaan aasaska ka odeyenaayey madaxwaynayaashi ee dalalka Jabuuti iyo Soomaalia Xassan Guuleed iyo Mohamed Siyaad Barre oo ay qaarabo hoose ahaayeen madaxda maanta ee dalalka Jabuuti iyo Soomaalia oo ururkii loogu awood sheegtay.