Markaad eegto sida loo maaraynayo xaalada galbeedka Sitti waxaa kuusoo baxaya dhawr arrimood.

 

– Waxay noqotay meel aan mudnaan (priority) u ahayn maamulka DDS marka laga reebo Guddoomiyaha Gobolka Sitti oo intii itaalkiis ahayd dadaalay

– Qolyaha la hor wadwaday reer Sitti ee la sheego inay kasoo jeedaan gobolka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne ku Xigeenku iyo hoggaan ku xigeen ka nabadgelyadu waxay noqdeen qaar danaystayaala oo aan marnaba raalli ka ahayn xataa in lasoo hadal qaado xaalada galbeedka Sitti. Waxaa xusid mudan in qaybo ka mida dhalin yarada dhaqdhaqaaqda xataa loo gaystay hanjabaado aan kala go’ lahayn

– Way caddahay in waxa loogu yeero dawlada dhexe ay toos ula safatay Canfar

– Way caddahay in dawlada deegaanku guud ahaan ay aad uga warwareegayso inay mawqifkeeda caddayso iyadoon sidoo kale diyaar u ahayn inay muran la gasho dawlad goboleedka canfarta oo iyadu har iyo habeenba u taagan inay dhulkaas dib u qabsato wax kastoo ayku kacdaba

– Marka kaliya ee laga dareemo dhaq dhaqaaq waa marka dhiig daato ee shacab la gumaado, nasiib Darose waa mar dad dhinteen

– Maadaama ay maamulka DDS ku fashilmeen xataa inay mawqifkooda caddeeyaan waxaan u fahmaynaa in isbedel uu ku yimid faallooyinkii laga bixin jiray iyo waliba heshiiskii qaldanaa ee laga noqday

– Sitti waxaa u yaalla xisaabtan badan oo ah inay la xisaabtanto maamulka DDS, cidda ku metesha iyo ballanqaadyadii beenta ahaa ee loo qaaday marar tiro badan

– Muruqa iyo maskaxda la gelinayo la dagaallanka ONLF maxaa canfar loo gelin waayay? Gorgor-TV markuu Shinile dhex wareegayo ee uu magaca Ogaadeeniya warsanayo muxuu u warsan waayay Cadaytu iyo Cundhufo taasaa uga muhiimsanayd?

– Waxaa weli xiran shacabkii lagu qafaashay xasaradan oo uu ugu horreeyo hoggaamiyihii Barbaarta Sitti Cismaan Mire, oo mar kastoo shir lala galo qolyaha haysta lanoo sheegi jiray Ina lasoo daynayo????

Qore;Mohamed Sheekh