Dawlad Goboleed Soomaaliyeed Qaramadda Midoobay u Gudbiyey Dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Jubbaland ayaa cabasho ka dhan ah dawlada Itoobiya u gudbisay danjire James Swan oo ah Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay xad gudubyo ka wado gobolka Gedo ayna ayna si sharci daro ah isaga xidhatay mas’uuliyiinta saddex degmo oo ka tirsan Gedo.

“Itoobiya waxay qorsheyneysaa iyadoo ay gadaal ka riixeyso dowlada federalka in gobolka Gedo uu ku dhowaaqo inuu ka go’ay Jubbaland taasna waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo” ayaa lagu yidhi qoraalka oo uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac.

                            Hoos ka aqriso qoraalka Jubbaland