Cundhufo Cadayti iyo Garba-Ciise waxaa hubaal ah inay si buuxdo ugasii baxayaan gacanteenna Haddii !!!!

Cundhufo Cadayti iyo Garba-Ciise waxaa hubaal ah inay si buuxdo ugasii baxayaan gacanteenna Haddii aan bilo dambe iska daayee aan laba cishoo kale sii daawanno oo tallaabooyin adag oo Midaysan loo qaadi waayo badbaadintooda

Sida ay wax ujiraan 100%100 si cad looma sheegaayo waxaase muuqato inay khiyaano lagu heshiiyay ay jirto ,ugu yaraan khiyaanadaasi haba noqoto in shacabkan xogta dhabta ah laga qariyay loona fasaxay Deegaanka canfarta iyo ciidamada Ethiopia xaqiiqada Dhulka ka muuqatana waxay tahay in lagu heshiiyay in maamulka canfarta fursad ay Dadkaa isku ogolaysiiso la siiyo mudadaana ay dawladda federal ku ka taageerto sidii shacab canfareed loosoo dejin lahaa Dhulkaa , ugu dambayna markay hawshaa dhammaato hadday Shacabka Soomaaliyeed ee Dhulkaa deggani buuq keenaan in la qorsheeyay in gabi ahaanba lagasoo barakkciyo Saddex da Magaalo sidaana ay ku noqdaan Dhul ay degganyihiin Qoomiyad canfareed oo kaliya

waad igu Dhaliili kartaan ka maqnaashahayga Facebook ga waanan Caafimaad qabaa waloow aan siyaaro fudud oon telefono badan qaban karayn kujiro lkn Waxaa doqoniimo niigu filan inigoo gudihii joogo ficilna samayn karo inaad Facebook itaal moodiin ood ismaaweelisiin

Hadaba sida kaliya ee xal ah maaha hadal iyo cambaarayn iyo rajo sugis been ah ee waa inay Shacabka Gobolka Sitti iyo kuwa Saddexda Magaalaba maantay ugu dhawyihiine inta sifiican loola wareegin Dhulka ee lalasoo degin ay Qaadaan tallaabooyin adag oo dhab ah

Maxaa Male ah oo la gudboon ree Sitti masuuliyiin , Odyo iyo shacabba

1- dhanka masuuliyiinta waxaa kaliya ay Dadkooga cod ugu hiilin karaan waa Inuu Aadan faarax iscasilo kuwa ka hooseeyana Wala raacaan halkaana ay KU dunto(hadday Awood la’aani haysatay iyo hadday khiyaano wadeena hakala baxdo)xukuumadda Deegaanka ka taliso ee aamus iyo maaweelo maahine waxba kala Caddayn l’a , waa khiyaano iyo damiir xumo cad inaad Mustafa eedaysiin Aadan faarax iyo kuwa ni matalana sawiradooda laabta ku sidatiin sababtoo ah masuuliyadda koobaad kuwa iniga ni matalay saarantahay kana dhuumanaayo badbaadada Dadkooga ,lkn ka xukuumadda Deegaanka ahaan eedda uu la leeyahay Mustafe cagjar iyo gabigooduba
2-Ogaaska iyo Gandaha waxaa la gudboon
–inay si buuxdo u iclaamiyaan inuu Shacabka Gobolka Sitti isdifaaco wax Dawlad dhexe iyo mid Deegaan ahna ay waxba ka sugin ,si ay tani umeelmartana waxaa daruuri ah inay Ogaaska iyo Ganduhu ba dhammaan Shacabka horkacaan ay Badhtamaha tikadda Shinniile kuxidhaan shiraac halkaana degaan dhammaan Shacabka Qabaleeyada iyo Degmooyinkuna aqalada kasoo baxaan ay bannaanka iyo waddooyonka dhex degaan kana kicin
-taas Haddii ay samayn karayn waxaa daruuri ah inay Ogaaska iyo Ganduhu tobannaan baabuur intay qaataan ay toos udhex tagaan Magaalada Cadayti ama Cundhufo si cadna Ogaasku ugu yidhaahdo Dawladda federal ka iyo ciidamadeedu (Horta Anigaa Dadkan Aabo u ah oo Ka masuul ehe Aniga Iyo gandahayga na laaya markaa baad dadkayga laynaysiine ) waxaa hubaal ah inay taasi culays aad uwayn ku noqoni dawladda federal ka xalna raadini dhanka Shacabka dulman ee Saddex Magaalo iyo kuwa gobolka Sitti na waxay ka dhigaysaa inay si buuxdo dibad iyo gudaba dhankaa ugu jeestaan awood iyo male na la garabjoogsaan

2) sacabka kudhaqan Cadayti, Cundhufo iyo Garba-Ciise iyo aagga udhawna waxaa la gudboon oo kaliya inay si aan gabasho lahayn isku difaacaan, waana inay cidba Deegaan iyo dalba ka sugin xal iyo maaweelo lagu seexinaayo. Sidoo kale Shacabka Gobolka Sitti Danwalle ilaa Ma’eyso deggan waa inay iska daayaan calaacalka iyo hadalada kolba xamaasadda ah taas badalkeegana waxaa la gudboon inay Jimce iyo maalmo gaar ah la sugin hawshan ay Isla maantaba guryaha kasoo baxaan dhammaan wadooyinka dhex marana degaan ay seexdaan maalin iyo habeen ba una diidaan inay baabuurtu helaan meel bannaan ay maraan

Qorshahan maaha mid ubaahan inaan Facebook kahadal iyo Dawladda Mustafe rajo ka sugis cidla ah , Mana aha mid ubaahan inaan dawladda federal ka ee sii kala socoto iyo sharci aan meelba ka shaqaynin ku hataaqno oon sugno . Maantana arintan heerka ay joogto maaha mid Deegaan Soomaaliyeed iyo mid kalaba ay wax ka qaban karaan , Dadkaygoow hadaad run doonaysiin ood xaqiiqada khadhaadhkeega qaadanaysiin saacad haku luminina Jigjiga wax keeni iyo Addis Ababa wax keeni ,waxay xaqiiqadu ku caddahay tallaabooyin ka Cadayti iyo Cundhufo ka socdo inta kalana kusoo socdo

Hadaad badbaado dambe Iyo jiritaankiina rajo dambe ka leedihiin iska joojiya hadalka oo guryihiina ka bax dhulkiinana Difaacda, Qabale iyo Degma kastana guryaha kasoo baxa oo isdabaqabta . Ethiopia iyadaaba marxaladihii udambeeyay maraysee Tiina badbaadsada.

Nin wadkiisa dhawrtoow adaa waalli heer dhaafshay.

Hadaad isbadbaadinayn ma dhici doonto inay cid kali ni badbaadiso . Ethiopiyana way Leeci

Qore;Nageeye