Kulan iyo wada xaajood muhiim ah oo saaka qabsoomay magaalada Diri-dhaba.

.

Dhammaan Masuuliyiinta heer Deegaan ee kasoo jeeddo Gobolka Sitti iyaa saaka kulan adag ku yeeshay Xafiiska madaxweynaha Deegaanka Soomaalida , waxayna si buuxdo uga doodeen xaaladda adag ay ku suganyihiin Shacabka walaalohood ah ee Galbeed ka Sitti iyo Hadalkii kasoo yeedhay Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee qaybta Harargee uu shalay ku yidhi Shirkii Magaalada Dirdhabe. Inay arinka ay canfarta iyo ciidamadu Cadayti iyo Cundhufo ka wadaan ahaayeen kuwo ay xafiiska Raiisal wasaaraha iyo labada madaxweyne ku heshiiyeen .

Dood Dheer iyo falanqayn badan kadib waxay Isla qaateen masuuliyiinta Gobolka Sitti kumatalo Deegaanka Soomaalida , inay si Midaysan oo gabbasho lahayn sharcigana waafaqsan ugarab istaagaan Dhulkooga iyo Dadkooga cadaadiska lagu hayo , ugu dambayna waxay Isla qaateen laba arimood oo kala ah
1-si Hadalkii General ka shalay kasoo yeedhay loo ogaado cidda iyo madaxda heshiiskan uusheegay gashay ,loona hubsado wixii arintaa ka run ah Iyo wixii kabeen ahba , inuu Madaxweyne kuxigeen ku u amba-baxo Magaalada Addis Ababa lanasoo kulmo Masuuliyiinta Dalka Iyo xafiisyada ay dhacdadani khusayso kadibna uu jawaab cad ka keeno sida ay wax yihiin oo cad
2-inay marka ay wax hubsadaan jawaabta saxda ahna helaan ay G’oaan Midaysan oo danta Dadkooga la qaataan Shacabka, arintan jaranku sheegay hadday Heer Deegaan noqotana ay ka midaysanaan doonaan hadday Heer federal noqotana ay si Midaysan oo sharciga waafaqsan Soomaalinimana ah uga halgami doonaan dhammaan ba ,iyagoo si cad ugu ballamay inaan dhulkooga Awood Ciidan lagu qaadan doonin ,g’oaan kasta oo jirana ay la qaabaan Ogaaska ,Gandaha iyo Shacabka Gobolka Sitti oo u Midaysan dhammaan tood

Waxaa Isla saaka u amba-baxay Magaalada Addis Ababa Aadan faarax, waxaanan rajaynaynaa Shacab ahaan in laga warsugo muddo laba maalmood ah si hubsiimo buuxdo kadib tallaabo sharci ah oo Midaysan looga qaato arintan Cabudhinta foolxun ah

Waxaanse kula talinaynaa masuuliyiintan dhammaan ba inay arintaa wixii kasoo kordho iyo moowqifkooga ku aaddan dhibaatada Shacabka lagu hayo ,markay hubsiimadan soo dhamaato kadib inay si cad umuujiyaan Lana hadlaan Bulshada ay kasoo jeedaan ee wali ku wareersan aamuskooga Mudada badan ah