Ku guddiga Fulinta iyo Golaha dhexe ee SDP (Waraaq Furan)

 

Sidaad lawada socotaan waxaa xawli aan hore loo arag iyo tamar badanba la geliyay dhaqaajinta hawlaha xisbiga EPP. Hadaba iyadoo taariikh ay qormayso ayaa qalinkiina iyo codkiinaba uu ku xiran yahay masiirka ummada Soomaaliyeed ee DDS iyo guud ahaan mustaqbalka caruurtiina iyo kuwa ay sii dhali doonaan ee tafiirtooda noqon doona haddii Rabbi idmo

1- Waxaa xaqiiq ah in ceel dheer oon lagasoo saari karin lagu sii ridayo waxa kaliya ee aan Ethiopia kula joognay inaka iyo kuwa inala midka ah oo ah Federalism ka ku dhisan qawmiyadaha. Dawlad wixii lamagacaabi uu kaaga iman doono Addis Ababa adigoo halka aad maanta joogto kasii itaal darnaan doona oo maanta waxaa laga yaabaa inaad xisibi ahaan idinku soo dooran kartaan ciddaad rabtaan haba iska jirto ishaa fadhataysi idinkaga yimaada Addis Ababa , laakiin haddaad ogolaataan xisbi kkusheega Dergiga lagasoomin guuriyay waxaad noqon doontaan qaar loo yeedhiyo waxwalba 101% oo mustaqbalkooda iyo awoodoodaba u hibeeyey dad inaka badan oo mar kastaba codka inaga heli doona, go’aankastoo la qaadanayo waxaad ka noqon doontaan marqaati laga cod badan yahay kaliya oo hadana ku qasbanaada inay fuliyaan maadaama tallaabo discipline laga qaadi doono hadday fulin waayaan

2- Waxaad ku qasbanaan doontaan inaad adeecdaan madaxweyne layniisoo xulay illayn golaha dhexe ee EPP waxaad ka tihiin kaliya 12 halka ay gaarayaan xubno ka badan 180, guddiga fulintana waxaad ku yeelan doontaan 3 qof kaliya, haddaad xataa iniku qof iskasoo dhex xushaan waa inay soo ansixiyaan guddiga fulinta ee urur waynaha EPP oo marwalba kaa aqlabiyad badan waxaagu waa 50%, halka maanta aad rajo dhaantaan

3- Waxaa dhammaanba la baabi’in doonaa ciidanka gaarka ah iyo policeka deegaanku leeyahay, waxaa aad u suurgal ah in laguusoo xawilo ciidan aynaan dhaqan, diin, af iyo aqoon midna wadaagin oo kugu fulin doona amar uu soo siiyo sarkaal jooga Addis Ababa oo laga yaabo inuuna waligiiba arag deegaankeena isla markaan laga yaabo inuu ciil iyo caro kuu qabo… isla maanta waxaa Nazerit ka socdo shir looga hadlayo sidii loo baabi’in lahaa Liyuu policeka isla markaan loo abuuri lahaa federal police la geeyo tuulo walba..

4- Arrinkastoo aynu kaga hadli jirnay deegaankeena dhexdiisa oo aynu go’aammo ku gaari jirnay waxay noqonaysaa inaynu ka sugno Addis Ababa oo mar kasta la dhaho getachew xafiiska sooma aanu geline suga intuu DebreBerhan kasoo laabanayo..

Haddii shirkiiina aad ku qabanaysaan caasimada DDS ee Jigjiga arrintaas aad kaga noqotaan waxaad ku suntanaan doontaan baalasha dahabka ah ee taariikhda, caruurtiinuna way idinku faani doonaan

WAARIMAYSAANE WAR HAYDINKA HARO