Booliiska Maamulka Somaliland oo xidhay 9 nin oo u dhalatay dalka Imaaraatka Carabta iyo Sababta keenay (Sawirro)

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada ee Hargeysa waxa ay ku xidheen 9-nin oo dhalatay dalka Imaaraatka Carabta, kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaano katirsan Somaliland.

Ragan lagu xidhay magaalada Hargeysa ee u dhashay dalka Imaaraatka ayaa lagu eedeeyay in ay ahaayeen ugaadhsato si sharci daro ah uga ugaadhsaneysay deegaano katirsan maamulka Somaliland.

Agaasimaha Duur joogta ee Wasaaradda Deegaanka Soomaaliland Naasir Xuseen ayaa  xaqiijiyey xadhiga 9-ka Nin ee u dhashay Imaaraadka ee sida sharci darrada ah uga ugaadhsanayey deegaano ka tirsan Soomaaliland.

Waxa uu sheegay Agaasime Naasir in ragan la xidhay lagu sameyn doono baadhitaano lana marsiin doono sharciga hadii lagu helo dambiga loo heesto ee ah in si sharci daro ah uga ugaadhsanayeen deegaanada Somaliland.

Deegaanada Somaliland waxaa si joogto ah u taga dad ajaaniib ah oo kasoo jeeda wadamo kala duwan, waxaana marar badan deegaanada Somalilamnd lagu xidhay lagana eryayay dad ajanaiib ah oo dambiyo kala duwan lagu eedeeyay.