Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sanaag+Video

Wararka ka imaanaya deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid deggan, kadib markii shalay halkaasi ku dagaallameen maleeshiyaad beeleed dhul isku haysto.

Dagaalkii shalay dhacay waxaa ku dhintay Saddex qof, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan ilaa 5 qof, sidey inoo xaqiijiyeen dad ku dhow halka lagu dagaallamay.

Deegaanka lagu dagaallamay waxaa xalay illaa iyo saakay ku qulqulayey ciidanka ka socday maamulka Somaliland iyo wax garad, kuwaasi oo kala dhex-galay maleeshiyaadkii dagaallamay.

Waxgaradka ayaa bilaabay durba kulamo ay la kala yeelanayaan Labada dhinac ee is haya si xaaladda loo qaboojiyo, wax walbana lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham.