Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Kenya Kulamo Kula Yeeshay Raysal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Iyo Axmed Madoobe iyo madax kale.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maalmihii udanbeeyay Ku sugan magaalo Madaxda Dalka Kenya Ee Nairobi Ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Madaxda katirsan Soomaaliya iyo madaxwaynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe .

Gudoomiye faysal cali waraabe ayaa madaxda shirarka Uu la qaatay waxaa kamid ah Raysal wasaarihii hore ee somaliya Cabdirashiid Cali  Sharmaake iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo aan si cad loo shaacin waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo waxa uu daaran yahay kulamada Uu la qaatay masuuliyinta somaliya.

Sidoo kale madaxda  faysal cali waraabe kulamada la yeeshay ayaa waxaa kamid ahaa raysal wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar carte oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland.

Wararka laga helayo kulamada dhexmaray madaxda Soomaaliya iyo Gudoomiye faysal waraabe ayaa sheegaya in ay wada hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan siyaasada  cakiran ee ka dhex taagan Somaliland iyo Soomaaliya oo xukuumada madaxwayne farmaajo wakhtigan  duulaano siyaasadeed kusoo qaaday jamhuuriyada somaliand halka ay dhinaca kale khilaaf culus ka dhexeeyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya sida jubaland oo uu kulan gaara Eng Faysal cali waraabe ay wada yeesheen madaxwaynaha maamul goboleedka juba land Axmed madoobe,

Talaabooyinka siyaasadeed ee Gudoomiyaha xisbiga ucid kula yeeshay masuuliyiinta Soomaaliya ayaan si cad loo ogayn saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland ka talaabsiga xeerkii uyaala Somaliland ee ahaa in aan lala kulmi Karin masuuliyiinta Soomaaliya gaar ahaan cid aan ahayn xukuumada oo iyadu maan dhayt u haysata kulamada ay la yeelanayso koonfurta Soomaaliya halka uu xeerkani ka mamnuucayo in aan cid kale oo magaca Somaliland sheeganaysaa la kulmi Karin Soomaaliya iyo siyaasiyiinteeda.

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen und Personen, die stehen

Gudoomiye faysa cali waraabe ayaa isagu dalka Kenya u tahay Arimo la xidhiidha khilaafka dhinaca Doorashada ka dhexeeya xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka oo uu magaalada nayroobi kula kulmayay wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka oo iyagu saluug iyo walaac ka muujiyay mudo kordhinta xaddhaafka ee golaha guurtidu usameeyay golaha wakiilada xili lagu muransan yahay komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

Bild könnte enthalten: 2 Personen, Personen, die lachen, Personen, die stehen und Anzug