Taariikh Nololeedkii Marxuun Abwaan, Gar yaqaan,SHeekh, Caaqil Cumar Axmed Cadaawe (Cumar Qaadi) Qaybta 3aad

Taariikhdu markay ahayd 16/02/1960kii wuxuu isku soo taagay doorashada kuraasta xildhi baanada ee xisbigii (N U F) wuuna ku guulaystey, dhanka kale wuxuu ahaa Caaqil beesha dhexdeeda si wayn looga ixtiraamo.
Wuxuu aaminsanaa, Waxbarashadu waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan waa aqal iyo ileys la’aan . Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah, sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay  labo qayb  oo waxkasta ku kala duwan ,
Waa dunida hormartay iyo dunida danbaysa xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashada ay ku kala duwan yihiin, wadanba wadan ka kale ugu duwanyahay, wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen horumar la taaban karo halka wadama aan laga danayn waxbarashaduna ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego.
Marxuun Halgamaa, Abwaan, Garyaqaan, SHeekh, Caaqil Cumar Qaadi Ayaa laga hayaa. “Aqoontu waa sheyga kaliya ee ay dadku ku kala hormari karaan waxayna laga maarmaan utahay nolosha beni aadamka  marna masino qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn tolkayoow”.
Waxbarashada waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah inuu qofku waxbarto si uu unoolaada, waxaad ka dareemi kartaa xaalada miyiga dadka kunool waxaa waalidku caruurtiisa uu baraa ugu yarn sida wax loo tacbado ama xoolaha loo raaco maxaa yeelay waxay cadaynaysaa in uusan qofka noolaan karin ilaa uu wax barto, wuu noolaan kara oo nolosha rabibaa haya balse ma noqon karo mid uu asaga ku qanacsan noolashiisa. Marka loo barbar dhigo dhigiisa wax bartey.
qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo . sidoo kale dal wuxuu hormari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii hormarin lahaa, dadkuna waxba ma qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen.
sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa si ay dadku ufahmaan qiimaha ay leedahay aqoonta waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto ayaa ah in ay tahay  hormar dhinac maskaxda ah oo ah  runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo.
Waxa si wayn loogu xusaastaa Cumar Qaadi dhanka waxbarashada oo uu ahaa haldoor iyo Hormuud lagu dayan karo xiligiisii waxay tixdani soo socotaa Tusaale fiican u tahay halku dhagiisii caan baxay ee waxbarashada uu kaga hadalay barigaasi.
– kol hadaan iskuulkii ka dhigay beerta dhinaceed
– Oo macalin dhaarsani ardayda ugu dhawaaqaayo
– Oo daar la daalacay tiriig uga dhalaalaayo
– Oo hadii kuraas la dhigay dhoofan laga keenay
– Oo hadii dhalaankii tolkay buuga dhiganaayo
– Oon dhaxalka Somaliland dheef aan ku lahaaday
Waxay ahayd marxaladani Kuwii ugu farxada badnaa abid noloshiisa ee uu ku guulaysto isaga oo nool, dadka aqoonta dheer u lahaa Marxuun Halgamaa, Abwaan, Garyaqaan, SHeekh, Caaqil Cumar Qaadi waxay Sheegaan in uu ahaa nin ku adag waxbarashada, si la mid ah sidaas waxaa aad u kala duwanaa agtiisa dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada. Wuxuu fahan sana waxa ay tarto waxbarashadu sidaasi darteed ayuu wax qabadkiisa ugu horeeyey ku bilaabay dhismaha Dugsiga Hoose Dhexe ee Hoyga ah ee Cabdulqaadir.
La soco qaybaha kale maalmaha soo socda……..
Qore;Cabdi Khadar Daahir Cali