Maxay Isku Hayaan Aby Axmed Iyo Maamul Goboleedka Tigreega?

 

„xilka ka tuurta dowladda federaalka“.

Khilaaf ka dhashay dib u dhigista doorashada guud ee dalka Itoobiya, waxay uga sii dartay xiisadda u dhaxeysa dowlad deeganaka Tigreyga iyo dowladda federaalka ee Itoobiya uu uu hogaamiya ra’iisal wasaare Aby Axmed.

Maamulka deeganaka Tigreyga ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan doorasho iyaga u gaar ah, ayna iska indha tiri doonaan go’aanka federaalka iyo guddiga doorashooyinka oo dib u dhigay doorashada guud oo ay ahayd inay dhacdo bisha Agoost ee sanadkan. Haseyeeshee arrintaas ma aanay suurtagelin oo waxaa saameeyay xanuunka corona.

Horaantii bishii Juun, aqalka sare ee Itoobiya ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay muddo xileedka ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Taas waxay keentay in afhayeenka Keria Ibraahim oo xil sare ka heysa xisbiga TPLF ee Tigreyga ay iska casisho xilka, iyadoona Abiy ku tilmaamtay „kaligii taliye“.

Xisbiga TPLF oo hadda ka arrimiya deegaanka Tigreyga ayaa lagu eedeeyay inay qoronayaan askar „xilka ka tuurta dowladda federaalka“.

Dibadbaxyo aan horay loo arag

Xisbiga TPLF oo horay uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP.

TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay hurinayaan dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigrey, waxayna intaa ku dareen in warbaahinta dowladda ay warar been abuur ah ka faafinayaan gobolka, si ay u kala qeybiyaan dowladda deegaanka Tigreyga iyo shacabka deegaankaas.

„Wararka been abuurka ahaa waa arrin guuldarreystay oo warbaahinta ay ku raadinayeen dulduleelo iyo in khilaaf la kala dhex dhigo xiriirka ka dhaxeeya maamulka deeganaka iyo shacabka oo dowladda federaalka madax xanuun ku noqday labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaan doonayaa in saaxiibada iyo cadawga aan u sheego in anaay jirin wax dibadbax ah oo ka dhacay meel kamid deegaanka Tigrey, sidookalena aysan jrin wax amni darri ah oo ka dhacay deegaanka,“ waxaa sidaas lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay maamulka sare deeganka Tigre.

Qaar kamid ah dadka ku nool deegaanka Tigrey ayaa meelo kamid ah dhulka maamulka ka dhigay dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan maamul xumi, shaqo la’aan iyo caga-jugleynta dadka mucaaradka.

„Dibadbaxyada waxaa markii hore lasoo tebiyay bartamihii bishii May, waxayna ahaayeen kuwa goosgoos ah. Way adkeyd in si madaxbanaan looga soo warramo bannaanbaxyada“, waxaa sidaas kusoo warramay weriye katirsan wargeyska gaarka loo leeyahay ee Addis Standard.

Haseyeeshee dibabaxyadaas waxay minja xaabinayaan awoodda siyaasdaeed ee xisbiga TPLF uu ku leeyahay deegaanka.

„Xisbiga Tigree ee TPLF waxaa uu isku dayayayaa in uu in uu dadka kala qeybiyo oo uu dadka ka aragti duwna weeraro, hor-istaagana horumarka oo ay kamid tahay dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaaga“, sidaas waxaa yiri madaxa xafiiska PP ee deegaanka Tigreega, Nebiy Sihul Mikael oo la hadlayay wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.

Xisbiga talada haya ayaa ku baaqay in tallaabo laga qaado TPLF, waxa uu na walaac ka muujiyay hab-dhaqanka mamauulka deeganka oo uu sheegay in taas ay gooni u fuquuqeyso dadka shacabka ee ku nool deegaanka Tigree.

 

„Gooni isutaag“

 

Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigrey ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale, iyagoo soo daliishada qoddob kamid ah dastuurka Itoobiya oo dhigaya „in shuruud la’an ay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan oo ay kamid tahay gooni isu tag“.

 

„Waa inay jirtaa sinnaan dhanka qabaa’ilka, haddii kale waa in la ogaadaa in dadka Tigree-ga ay xaq u leyihiin inay go’aan,“ sidaas waxaa ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Tigreega, ahna guddoomiyaha xisbiga TPLF.

 

Dadka indheer garadka ee kasoo jeedaa gobolka Tigree iyo mucaaradka ayaa sheegay in haddii lagu dhawaaqo gooni ustaag ay xaaladda uga sii dari karto oo ay „mussiibo noqon doonta“.