Isku-Buuqa Maskaxda Iyo Niyad Jabka (Mental Distress and Depression), Astaamahooda Iyo Dhibka Ay Keenaan.

Waa Maxay Isku-Buuqa Maskaxdu?

Dadka qaba isku-buuqa maskaxdu waxay isku arki karaan dhibaatooyin ah xagga fikirka, dareenka, ama dhaqanka. Marka si kale loo eego, fikirkooda, dareenkooda iyo dhaqankooda ayaa isku qasan. Waxay taasi si weyn waxyeello ugu geysan kartaa xidhiidhka ay dadka kale la leeyihiin, shaqadooda, iyo ku-istareexa noloshooda. Lahaanshaha isku-buuqa maskaxdu waa dhibaato ku adag qofka iyo qoyskaba. Laakiin, ma aha wax ceeb ah.

Maxaa Keeni Kara Isku-Buuqa Maskaxda?

Waxa muhiim ah in la fahmo in qabista isku-buuqa maxkaxdu aanu ahayn khalad uu qofku iska leeyahay. Marmarka qaarkood dadku waxay rumeystaan in isku-buuqu ka yimaado cadawnimo, ciqaab ama il. Balse dhakhaatiirtu waxay rumeysan yihiin inay jiraan waxyaabo keeni kara isku-buuqa maskaxda oo ay ka mid yihiin:

# Kiimiko maskaxda ku jirta oo aan isku dheelli-tirnayn

# Walwal iyo dhibaatooyinka maalin kasta qofka haysta

# Dhacdooyin maskaxda u xun oo qofka soo maray

Waa dhib sidii loo garan lahaa xaqiiqada sababaha keena isku-buuq kasta. Marmarka qaarkood dhib jidhka soo gaadha ayaa keeni kara calaamadaha cuduradda maskaxda ku dhaca.

Isku-Buuqa Maskaxda Miyaa La Iska Dhaxlaa?

Cilmi-baadhisaha qaarkood waxay tilmaamaysaa in dadka qaarkii ay dhici karto inay dhaxal u leeyihiin inuu ku dhaco isku-buuqa maskaxdu. Sababta oo ah waxa jira waxyaabo badan oo adag oo keeni kara, waa in arrintan aad kala tashatid dhakhtarkaaga.

Miyaa La Kala Qaadaa Isku-Buuqa Maskaxda?

Isku-buuqa maskaxdu ma aha hargab ama jadeeco oo kale, mana aha wax la kala qaado.

Waa Maxay Noocyada Waaweyn ee Isku-buuqa Maskaxdu?

Dhibaatooyin Walwal ah (Anxiety)

Dhibaatada Isku-buuqa ee ka Dambeeya Dhaawac ama Dilis (Post Traumatic Stress Disorder) (PTSD)

Murugo (Depression)

Isku-buuq ah Marna Niyad-kac Marna Niyad-jab (Manic Depressive Distress)

Cudurka Maskaxda ee loo Yaqaano Iskiitsofiriiniya (Schizophrenia)

Niyad Jabka (Depression):

Qoraalkan koobani wuxuu qeexayaa calaamadaha diiqadda (niyad jabka), iyo daawaynta kala duwan ee diyaarka ah. Waxuu sharxaysaa siyaabaha dadku isu caawin karaan, waxa reerku iyo asaxaabtu samayn karaan. Waxa kale oo uu tilmaamayaa xagii aad talo iyo macluumaad dheeraada ka raadsan lahayd. Diiqaddu waxay u haleeli kartaa dadka si kala duwan, waxay soo saari kartaa astaamo kala duwan, qaar nafta ah iyo qaar jidhka ah. Haddii aad diiqadaysan tahay ama niyad jabtay waxaa laga yaabaa inaad moodid in aan wax kaalmo ahi jirin. Laakiin waxyaalo ayaad samayn kartaa oo is beddel keeni kara ayaa jira. In aad go’aaansato in aad wax iska qabato, waa tallaabada ugu muhiimsan ee aad qaadi kartid. Dadka intooda badani way kasoo kaban karaan muddada yar ee diiqadda, xataa qaar sidii khibrad fiican (gaadheen) ayay dib u jaleecaan, taas oo qasabtay in ay noloshooda iyo sida ay u nool yihiin wax ka beddelaan.

Waa Maxay Diiqaddu Ama Niyad Jabku?

Niyad-jabka waxaa loola jeedaa, markay jirto xaalad dareen ah oo uu qofku muddo dheer dareemayo dhib iyo cidhiidhi nafsadda ah, noloshuna ay u muuqato mid aan iftiin lahayn. Marka qofku uu hayo niyad jab, haba yaraatee ma jiraan wax uu u dareen wanaagsan oo farxad geliya ka helayo. Qofka niyad jabku hayo inuu hawl bilaabo way ku adag tahay, si dhakhso ah ayuuna u daalaa. Inta badanna way ku adag tahay inuu go’aan gaadho. Waxaa sidoo kale ku adag inuu qalbigiisu u soo jeedo tusaale ahaan waxbarashada iyo wax akhriskaba.

Qofka niyad jabku hayo hurdo xumo ayuu badannaa leeyahay, waana wax iska caadi ah inuu subaxa hore kaco. Qofka niyad jabku dhibaatada ku hayo hurdada inuu helo ayaa mararka qaar ku adkaata, ama hurdo fiican ma seexdo, oo marar badan ayuu toosaa. Mararka qaarkood niyad jabku wuxuu leeyahay hurdo aad u badan. Cunto xumo iyo culayska qofka oo hoos u dhaca ayuu niyad jabku badannaa leeyahay, mararka qaarse qofka niyaad jabku hayo cunto aad u badan oo intuu u baahnaa ka badan ayuu cunaa.

Qofka niyad-jabku hayo inta badan wuu iska kulul yahay, waxaana dhici karta inay ku adkaato inuu dadka la joogo. Sidoo kale waa wax caadi ah inuu qofku nafsadiisa aad u eedeeyo. Fikrado dhimashada la xidhiidha iyo inuu ku fekero inuu isdilo caadi ayey u yihiin qofka niyadjabku hayo. Qofku wuxuu kaloo isku arkaa xanuunno jidhka ah (jismsiga ah) oo kala duwan, sida madax xanuun, murqo xanuun, calool xanuun iyo dhabar xanuun. Xanuunadaasna inta badan looma helo sabab keeni karta, oo ah wax xubnaha jidhka ku dhacay.

Diiqaddu waa qeexid caafimaad oo koobaysa waxyaalo badan oo ku saabsan cidhiidhiga nafta. Sideeda ugu sahlan diiqaddu waxay kugu keeni kartaa niyad-jab, kaasoo iska kaa hortaagaya noloshaada caadiga ah. Wax kasta waxa ay kugu adkaanaysaa, kugu noqonaysaana mid aan qiimo badnayn. Markeeda ugu xun, diiqaddu nafta khatar bay gelisaa. Waxa laga yaabaa inaad ku fekerto in aad is dishid, ama awoodaada nololeed dhimato.

Dad badan oo diiqadaysani waxay la kulmaan kacsanaan (Isku Buuq). Waxaad kacsanaataa marka aad dareentid khatar, khatartu dhab ha ahaato, ama malayn. Kacsanaantu waxa laga yaabaa inay keento calaamado jidhka ah, sida madax xanuun muruq xanuun, dhidid, iyo wareer. Kuwa kacsani waxay haystaan maskax aad mashquul u ah, feker soo noq-noqda. Kuwan oo sababi kara in ay kugu adkaato in aad nasato, ama seexato. Muddo dheer kacsanaantu waxay keentaa daal jidhka ah, iyo cafimaad xumo guud.

Murugada, diiqadda ama niyad jabku waxay waxyeelaysaa qofka niyaddiisa.

Murugo fudud: Dad badan ayaa waxa soo mara intay noolyihiin diiqad fudud, tusaale ahaan tiraanyo ama ma doonayaan inay wax qabtaan.

Murugo Culus: Calaamadaha lagu yaqaano waxa ka mid ah:

Tiiraanyo ama rajo la’aan; qofka oo aan wax dan ah ka lahayn inuu wax qabsado sida shaqada, waxyaabaha uu xiiseeyo ama nadaafadda

-Dhibaatooyin hurdada ah

-Cunto-xumi ama cunto-diidmo

-Miisaanka qofka oo hoos u dhaca

-Tamar la’aan

-Dareen ah is dil ama qofka oo doonaya inuu dhinto

-Dareen ah inu qofku dambiile yahay

-Rajo la’aan

-Dareen ah inaanu qofku wax qiime ah lahayn

Murugo, ha ahaato mid fudud ama mid culus, waxa sabab u noqon kara dhacdooyinka qofka noloshiisa la kulmay, tusaale ahaan geeri ku dhacda qof la jecel yahay, shaqada oo aad waydid, ama isku dayida la-qabsiga nolosha waddan cusub. Hase yeeshee, waxa kale oo keeni kara sababo qofka ka baxsan oo aan la garanaynin. Haddii aanad hubin inta ay murugo le’eg tahay, fadlan u tag dhakhtar ama shaqaale caafimaad.