Reer Sitti iyo PP

Aad baa loosoo dhaweeyay sannad ka hor iyadoo laga urinayay inay la dadaaleen isla markaana garab istaageen shacabka xilli dagaal lagula jiray duulaankii dhul doonka ahaa ee Canfarta, waxaase wali taagan su’aalo badan oo jawaabo loo la’ayahay
1- Heshiiskii laga noqday ee dhulka iyo shacabka sida khaldan loo hoos geeyay canfarta toloow dhammaystirkiisa maxaa hortaagan? Mise waabu saqiiray? Waxaa ka soo wareegtay muddo la badan sannadka iyo badh walina mahayno wax cad oo tusi kara inuu baaqaas ay xukuumadu kaga noqotay dhulkaas lagu wareejiyay canfartu midho dhal noqon doono iyo in kale
2- Tan iyo xukuumadii hore waxaa gobolka Sitti iyo magaalada diredhaba saaran “ cunaqabatayn dhaqaale” oo loogu marmarsiyoodo Ina wax walba oo ka baxaya ama waxwalba oo soo galayaa ay yihiin Contraband, xoolo nool iyo moodba leh ayaa la dhacaa, xataa marka dib loo xaraashayo waxaa laga xaraashaa dad aan Soomaali ahayn!
3- Ciidamada Liyuu policeka saraakiishooda oo tiro ahaan aad u badan siiba kornaylada wali reer Sitti oo ah gobol baaxadiisu wayntahay kuma laha wax sidaas oo la taaban karo, inkastoo ay kala sinnaan karaan gobollada qaarkood, haddana waxa lagu tilmaamaa inay ugu jiraan wax aan ka badnayn laba ama saddex halka laga sheekeeyo wax ka badan lixdan ilaa todobaatan kornayl??
4- Askarigii dhawaan la khaarajiyay Alle haw naxariisto ee Daahir Cige wali faahfaahintii sababta loo dilay iyo ciddii ka dambaysay lama hayo. Muddo yar kadib waxaanu soo gudbin doonaa wixii macluumaad ah oo arrintan an ka hayo baadhitaan dheer ka dib. Dhiig nin maskiin ah oo la qarinayo ciddii wuxuun ogi ha shaaciso iyakoo ilaashanaya qabrigooda….
5- Marka xisbiyada kale ee ku biiray PP ay soo hadal qaadanayaan lahaan shaha Caasimada Diridhaba kama laba labeeyaan oo waxay si cad u tibaaxaan inay qowmiyadoodu leedahay, laakiin kuweena PP marna kuma dhiiradaan??
6- to be continued

Qore,Maxamed Sh Cumar