kacdoonka cusub oo ka curtay guud ahaan gobolka Sitti
Waxaa guud ahaanba gobolka Sitti ka aloosmay kacdoonka nabddon oo horle oo lagaga soo hor jeedda go,aanka xaaraanta ah ee guddi dooraashooyinka dalka Itoobia ka soo saareen galbeedka gobolkan dulmaan ee Sitti kaas oo loogu eexday maamulka Canfarta.
kacdoonka oo la mooddo mid la mid ah kacdoonkii lagu riday taligiskii TPLF iyo gacan yarehiisii Cabdi Iley oo lagu xasuusto heerkii iyo doorkii ay ku lahaayeen barbaartii reer Sitti.
reer Sitti maanta waxay gun iyo baar isku taageen in ay ka dhiidhiyeen go,aanka qayrul masuul ah ee ka soo yeedhay guddi doorashooyinka,go,aanka oo loo arko mid lagu ciyaari aqlika iyo garaadka shacabka reer Sitti iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ee dds.
Tan iyo markii la soo saaray go,aanka guddiga wali lama hayo meel ay kaga hadleen dawladda deganka Soomaalidda ee magaalada Jig-jigga marka laga reebo warqad ku jirta baraha bulshadda oo lagu sheegey in u madaxweyne Mustafe cagjar u qaray dawladda Itoobia taas oo isla markiiba si ka aradda anshaxa dawladnimo looga soo jawaabay.
kacdoonka iyo dibad baxyaddan waxaa si iskood ah usoo abaabuulay shacabka reer Sitti kumana arkayn wax maamul ah oo ka qayb qaatay dareenka iyo gadoodka shacbka.