Maxay salka ku haysaa Colaadda Canfarta iyo Soomaalida?

Waxaa magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

 

Heshiiska waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta Awal Arba.

 

Heshiiska nabadeed ee ay labada madaxweyne ka gaareen colaaddi labada deegaan u dhaxeysay waxaa horkaceysay Wasiiradda nabadda ee dalka Itoobiya Mufariyaat Kaamil.

 

Labada deegaan xadka ay wadaagaan waxaa ku dhex maray dagaal uu dhiig badan ku daatay shacab badanna ay ku barakacen.

Colaadda maxay salka ku haysaa?

Shucuubta Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallama deegaanno ay labada deegaan lahaanshahooda kala sheegtaan sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla xadaka ay wadaagaan deegaannadaasi.

 

Iyada oo ay taagan tahay colaadda labada deegaan oo aan xal waarana laga gaarin sheegashada dhulka la isku hayo waxaa xaaladda sii huriyey guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiya oo soo saaray go’aan ah in 8 tuulo oo xadka labada deegaan ku teedsan iney doorasha ka dhaceyn shacabka degganna ay codkooda ka dhiibtaan tuulooyinka u dhow ee ay gaari karaa.

 

Go’aanka guddiga doorashooyinka oo ay si weyn uga biyo diideen maaulka dowlad deegaankaSoomaalida iyaga oo qoray warqad ay ku sheegeen iney marnaba aqbaleyn dhul uu deegaanka soomaalida leeyahay in deegaan kale la hoos geeyo.

 

Deegaanka cafrtana dhankoda waxay ku doodayaan in tuulooyinka 8-dda ah uu guddiga doorashooyinka go’aanka ka gaaray la hoos geeyo deeganka cafarta doorashada soo socotana ay uga dhacdo deegaankaasi.

 

Guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiyana go’aanka ay gaartay waxay u sababeysay inta xal waara laga gaaraya qaddiyadda tuulooyinka ay maamullada labada deegaan isku haystaan iney xal u aragto labada deegaanba iney halkaasi doorasha ka sameyn si looga gaashaanto isku dhac dambe oo yimaaddo.

Soomaali lagu laayay dalka Itoobiya

Xukumaddii deegaanka Soomaalida ka arrimineysay uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdi Max’uud Cumar tuulooyinka Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise waxay siisay deegaanka cafarta iyada oo loo qoray warqad rasmi ah oo dhulkaasi deegaanka cafrat lagu hoos geynayo.

 

Hase yeeshee golaha wasiirrada ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu hoggaamiyo Mustafe Cagjar ayaa sanadki hore laalay heshii ay dowladda dowladda dhexe ee dalka Itoobiya taageereysay oo deegaanada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Itoobiya lagu hoos geeyay maamulka Canfarta balse tan iyo xilligaasi ay dhacayeen rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

 

Colaaddan oo deegaankaasi ka taagneyd labadi sana ee la soo dhaafay waxaa ku naf waayey dad ka badan 400 iyada ooh anti aad u bandanna ay ku burburtay.