Dawladda Jabuuti oo isha ku haysa  xidhiidhka Soomaalia iyo Kenya oo dib u soo laabtay.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si rasmi  ah uga hadashay dib u soo laabashada xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya iyadoo Jabuuti ayku xaglineysay Dowladda Federalka iney Kenya la safatay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti, Mudane  Maxamuud Cali Yuusuf oo soo saaray war qoraal ayaa waxa uu soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee dib loogu soo celinayo xidhiidhka ay la laheyd Kenya, isaga oo ku tilmaamay horumar weyn.

Jabuuti ayaa sidoo kale xustay  inay muhiim tahay in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasiloonoda gobolka oo dhan.

“Jabuuti waxay soo dhaweyneysaa dib u soo celinta xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Walaalaha ah ee Kenya. Runtii waa horumar weyn oo ka jirta gobolkeenna IGAD nabad iyo xasillooni darteed” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Soomaaliya ayaa xalay warqad u dirtay Kenya, taas oo ay ku shaacisay inay dooneyso dib usoo nooleynta xidhiidhka labada dal, si dib loogu furo safaaradaha labada dowladood oo wax shaqo ah aan qaban bilooyinkii u dambeeyay.

Labadan dowladood ayaa xidhiidhkooda xumaa Afartii bil ee ugu dambeysay, waxaana Kenya ay joojisay duulimaayada inkastoo ay markale dib u furtay, halka Soomaaliya ay iyana horey u joojisay qaadkii faraha badnaa ee maalin weliba laga soo daabuli jiray dalka Kenya.

Waxaana dhanka kale saakay  si rasmi ah u billowday duulimaadyada diyaaradaha ee Soomaaliya iyo Kenya, kuwaa oo u kala socdaalaya Nairobi iyo Muqdisho.