Nin ku dilay i dawee lama yidhaahdo

Fadlan si aad u ogaatid xaqiiqda dhabta ee ka dambaysa dhibatooyinka galbeedka gobolka sitti dhamayso qoraalka siina faafi
Markii laga yimaado xaaladihii iyo dhibaatooyinkii hore ee ku dhacaayay bulshada galbeedka gobolka sitti xaaladaha iyo dhibta hadda taagan waxaa ka dambeeya ciidanka qaranka etoobiya.
Dhibaatooyinkan iyo dagaaladan hadda sida ba’an u socda waxay ka bilawdeen sababta goob doorashooyinka, markii ugu horaysayna komishinka doorashooyinka heer federal waxay go’aamiyeen in goob doorashooyin badan oo ka mid ah galbeedka gobolka sitti la hoos geeyo deegaanka somalida.
Todobaado ka dib wuxuu koomishinku ku dhawaaqo in 8 qabale oo ka tirasan deegaanka somalida laga hakiyay doorashada ayado loo sababaynaayo khilaaf xududeed.
Arrinkan ama in doorashada laga reebo ama laga hakiyo 8 qabale waxaa sababteeda laha ama ka dambeeyay ciidanka qaranka.
Sarakiil sar sare oo ka mid ah ciidanka qaranka ayaa soo gaadhay deegaanka canfarta halkaas waxaa lagu qabtay shirar kala duwan waxaana sido kale ciidanka qaranka magala-madaxda deeganka canfarta ee Samara lagu guddoonsiyay abaal marin lagu sababeyay guusha ay ka soo hooyeen tigray, hawshan iyo dhibtan na haysata maalinkaas ayay bilaabantay.
Maalinka wixii ka dambeyay canfartu magaala kasta oo galbeedka ka mid ah ciidankeega gaarka ah iyo jabhadaheega ayay keentay, shacabku inuu isdifaaco marka uu isku dayayna waxaa ka horjoogsanayay ciidanka qaranka.
Ta kale marar badan ayay odayaashu iyo dhalin-yaradu ciidanka ku dacwoodeen shirar badana la galeen ciidankuna wuxuu ugu jawaabi jiray anaka ayaa ni difaacayna, bulshaduna ciidanka ayay isku haleyeen khaasatan reer cadayti.
Maalinkii cadayti la soo weerarayna waxay ciidanka qaranku dhamaantood wada galeen xeradoodi oo waxaabad moodaysay inaysan joogin, haddana isla wakhtigii uu dagaalku cadayti ka dhex-socday ay magaalada qeybna canfartu haysatay qeybna somalidu haysatay saacaduna ay ahayd 6:25 PM waxaa magaalada cadayti soo galay ciidanka qaranka waxayna ka yimadeen Samara waxayna wateen laba dibaabadood iyo laba qabaal.
Isla wakhtiga waa la la hadlay ciidanka qaranka waxaana lagu yidhi „ciidanaw waxaan aad arkaysiin ee maatida xasuuqaysa waa jabhadihii iyo ciidankii canfarta ee maxaad u difaaci la’dihiin bulshada“ jawabtoodi waxay noqotay qosol wayna nagu qosleen magaladiina sidii ayaan kaga soo baxnay.
Hadana laba saacadood ka dib ishaacigi anaka oo magaaladi ka soo baxnay oo dhawaceeni iyo ciyaalkeeni ururinayna waxaa noo yimid ciidankii qaranka oo wata laba dibabadood waxayna yidhaahdeen away ciidanka gaarka ah ee somalida, shacabka qeyb ayaa ilmayay ama ooyay markii ay kalmadaa maqleen waxaana la xaqiiqsaday qorsahan oo dhanba inuu ciidanku ka dambeeyay.
Isla subaxdii waxaa weerar lagu qaaday cadayti waana lagu guul daraystay haddana maalinkii kale ayaa weerar lagu qaaday cadayti, maalinka canfarta qeyb ayaa la go’doomiyay isla markiiba waxaa yimiday ciidanka qaranka wuxuuna yidhi „shacabaw aniga ayaa canfarta niga saaraye joogsada“ ka dibna shacabka dagaalkii uu ka soo baxay maalmo ka dib ciidanka qaranka waxaa uu naga horjoogsaday magaladeena xata wuxuu noo diiday inaan shiraacyo ka dhisano agagaarka magaaladeena sidii ayaan cadayti kaga soo baxnay.
Intaas waxaa ka dambeeyay, ciidanka qaranka ayaa nagu yidhi dagaal ma qaadi kartaan canfartana aniga ayaa dib u celinaaya, markaas 15km ayaan cadayti ka soo fogaanay waxaana fadhiisanay heejad cadayti 15km u jirta oo afgani la yidhaahdo maalmo ka dib canfarta ayaa nagu soo weerartay goobti aan fadhinay waxaana yimiday ciidankii qaranka oo dibaabad wato ciidanka ayaana ceshay canfartii, maalinka ciidanka halkaas yimid waxaa haystay wiil somali ah, maalintii ku xigtay waxaa la badalay wiilkii somali canfarta iyo ciidanka qaranka oo isla socda ayaana weerar baahasan soo qaday waxayna canfartu qasbatay goobtii aan fadhinay ee afgani.
Taas waxaa ku xigtay maalinkii birta-dheer, maalinkaas canfarta waxaa hor socday ciidanka qaranka heshiiskuna wuxuu ahaa markii ay canfartu birta dheer qabsato inuu ciidanka qaranku difaaco canfarta somalidana u ku yidhaahdo aniga ayaa niga saaraaye joogsada lakiin maalinta somalidu madamo ay cadhaysnayd ciidankii ayaa baqay canfartiina aad ayay u dhimatay.
Intaas ka kaalay ciidanka qaranku wuxuu haddana isku dayay inuu cundhufo dago oo uu horjoogsado gurmad kasta oo ka baxaya cundhufo taas shacabkii ayaa ku diiday.
Garbaciise xaaladeeda waad ogtihiin, ciidan aad u tira badan ayaa jooga haddana argagixisooyinka ayaa hareeryaha ka jooga.
Ugu dambayn ciidanka qaranku hadda wuxuu diyaarinayaa qorshihii ugu dambeeyay ee uu somalida dhulka kaga qaadi laha, laba maagalo ayaa noo hadhay waana cundhufo iyo danlahelay.
Cadayti waa la gubay garbaciisena waa go’doon.
Danlahelay iyo cundhufo ma awoodo canfartu inay qabsato sida darteed ciidanka qaranka ayaa qorshaynaaya qorshihii lagu qaban laha, hal arrin ayay cidanku ku guulaysteen wali kaasna waa dariiqi danlahelay qorshayaasha kalena wali way wadaan, qorshayaashan oo dhana waxaa ciidanka qaranka la og Xaaji_Tuur iyo hogaanka nabad-gelyada dawlad deegaanka somalida Xuseen_Qaasim.
Marka ciidankii qaranka ee na dilay ama wada qorshihii dhulka na nagaga raraayay haddi aan dhahno canfarta dhulka ka saar anakana nagu celi ma samayn arrinka?
Nin ku dilay i dawe ama i dabiibi lama yidhaahdo.
Shantaadu nin ay ka reebina sharci kaama reebo.
Peut être une image de une personne ou plus et plein air
Peut être une image de 1 personne, position debout et plein air
Xisbiga Xoraynta Ciise