Magaaladi Garba-ciise Gurmad la,aan iyo Darxumo

Wax kale oon ku hadlo garani maayo. Laakiin Oday-Dhaqameed iyo Siyaasiyiin tuba waxaad moodaa inay goaansadeen inay inta wax iska difaaci karto ee wax diidi karto iyo inta Hal-doorka u ah ba inay kolba Dabin ku dhameeyaan si ay inta damiirka lahayn iyo Qandaraas layaasha Dhaqanka iyo siyaasadda huwani Utaanjiraan cidina ugu buuqin nolosha.
Dadkaa la xasuuqay iyo intii ka horaysay ba haddii Cid Magtooda loo raaci lahaa way caddahay kuwa dabinka ku dhamaysay
3sanadood markaad kudhex jirtid Dhimasho iyo dhaawac joogta ah oo waxba laga qabanayn maalin kasta uu dagaal dhacana lagu yidhaahdo „odaygii Hebel uu dhintay, ina Hebel uu dhintay. Hadana lagu yidhaahdo Hebel kii dhawaan kula hadlaayay uu dhintay, Hebel ood dhawaan Cod isku duubayseena uu dhintay, mararka qaarna Nin kii aad la hadlaysay telephoneka iga jar Dab nagu socdee ku yidhi waxyar kadibna uu dhintay lagu yidhaahdo. Murugo ka wayn oon la noolaan lahaa ma garanaayo Runtii. Dadka ay markasta Hebel oo la joogay markaaba uu dhintay la odhanina kabasii xanuun daran. ( waa inyar oo kamid ah dhacdooyinka 3daa sanadoodba dhacaayay een la kulmay ee tani maanta Garba-ciise ka taagan oo kaliya maaha.) Markaa baa waliba lagu odhanayaa maxaad u aamustay ood waxkasta usoo qori wayday. ? Si raaxale in xogta loosoo gudbin karoo iyay la tahay inta Mirqaansan ee sheekada ka dhigato . Qofkii damiirleh se niyaddu ma siinayso inuu dad xaaladdaa kujiro u war doonasho iyo sheeko telephone ugu badiyo
Anu waa horaan Dadkaa Tacsidooda sii dhamaystay oon niyadda ka idhi ( intii dhimatayna Allaw unaxariiso inta dhiman doontana Allaw unaxariiso) sababtoo ah 3daa sanadood ba qaabka loo gumaaday ay Rag badani udhinteen waa xaalado isku mid ah
Ilaahay baan Baryaynaa inuu intii hora intan maantaba Naxariis Janno iyo dembidhaaf siiyo , cid kale oon ka fisho inay ciqaabsan shacabka kasoo Afjarina iima muuqatee. Allaha Raxmaanka ah baan waydiisanaynaa inuu Shacabkaa dhulkooga lagu gumaadi ee loo heshiiyay Faraj nabadgelyo iyo nolol sidan dhaanto ufuro uu ka qaboojiyo holacan.
Shacabka Galbeedka Gobolka Sitti. Alle awood badan bay leeyihiin ee garab kale uu sugo male. Intii alle nolol dambe uqadarana marbay ka bixi doonaan Silica iyo gumaadka
Qore;Laba-Doon