Ethiopia oo la geliyey xaalad deg deg ah xilli TPLF ay ku wajahan tahay Addis Ababa

Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ku dhowaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey dalka, xilli aad looga cabsi qabo in kooxda TPLF ee Tigray-ga ay qabsato magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa

“Xaaladda deg degga ah ayaa waxaa loogu talo-galay in shacabka laga bad-baadiyo xasuuqa ay argagixisada TPLF ka gaysanayaan qeybo dhowr ah oo ka mid ah dalka,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA.

Xaaladda deg degga ah ayaa ogolaaneysa arrimo ay ka mid yihiin in la sameeyo jidgooyooyin, la carqaladeeyo hanaanka gaadiidka, lasoo rogo bandow, ayna militariga la wareegi karaan meelaha qaar. 

Qof kasta oo lagu tuhmo inuu xiriir la leeyahay “kooxaha argagixisada oo TPLF ay ka mid tahay” ayaa la xabisi karaa ayada oo aan maxkamad lasoo taagin, sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Tigray-ga ay guulo ka gaaraan dagaalka ay kula jiraan dowladda, ayaga oo toddobaadkan qabsaday laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amhara oo kala ah Dessie iyo Kombolcha.

Ciidamada Tigray-ga ayaa sidoo kale xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.