Dab Xooggan oo ka kacay Suuqa Waaheen ee Hargeysa iyo madaxweyne Farmaajo oo hadlay.

Dab aad u xooggan ayaa ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxaanu dabku si xooggan ugu faafayaa qaybaha kale ee Suuqa iyadoo khasaaraha ilaa hadda ka dhashay aan la qiyaasi karin.

Dabka oo noqonaya kii ugu weynaa ee ka kaca suuqa Hargeysa, ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay meherad Bakhaar ah oo ku taalla dhinaca koonfureed ee Suuqa Waaheen, gaar ahaan dhinaca Dooxa Xigta, waxaana jira dedaallo ay isku dayayaan ciidanka dab-demiska oo baaxadda dabku ka xoog weynaatay.
Tan ayaa sababtay inuu dabku si xooggan ugu faafo qaybaha kale ee Suuqa, waxaanu xilligan dabku soo gaadhay faras-magaalaha Caasimadda oo ay ku yaallaan xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada Zaadka.
„Qof kasta oo leh cagaf-cagaf ama Booyad ha keeno si uu uga qayb-qaato daminta dabka,” Sidaa waxa bulshada u soo jeediyey Dowladda Hoose ee Hargeysa.
Dowladda Hoose ee Hargeysa, Ciidanka Dab-demiska, ciidamada kala duwan ee caasimadda iyo wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, ayaa qayb ka ah dedaallada lagu deminayo dabka.
Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ayaa qaybaha kale ee magaalada ka xidhay biyaha si ciidanka dab-demiska iyo booyadaha kale ee deminta ka qayb-qaadanayaa u helaan biyo ku filan oo lagu tacaallo daminta dabka.
Dabka oo ilaa hadda la xakamayn kari la’ yahay, waxa ku shuf-beelay meherado tiro badan oo ay leeyihiin ganacsatada daba-qadda Dhexe, gaar ahaan kuwa iibiya Bagaashka iyo dharka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka murugaysan khasaaraha dabkii caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle ugu baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka murugaysan khasaaraha dabkii caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle ugu baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.
„Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay.“
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.